Raysal-wasaaraha Pakistan Oo Ka Bad-baaday Eedo Musuq-Maasuq Oo Xilka Lagaga Qaadi Karayay.
December 12, 2017
Latest Headlines:   _

Raysal-wasaaraha Pakistan Oo Ka Bad-baaday Eedo Musuq-Maasuq Oo Xilka Lagaga Qaadi Karayay.

0
Friday April 21, 2017 - 11:58:59 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal-wasaaraha Pakistan Oo Ka Bad-baaday Eedo Musuq-Maasuq Oo Xilka Lagaga Qaadi Karayay.

    Raysal-wasaaraha Pakistan Oo Ka Bad-baaday Eedo Musuq-Maasuq Oo Xilka Lagaga Qaadi Karayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal-wasaaraha Pakistan Oo Ka Bad-baaday Eedo Musuq-Maasuq Oo Xilka Lagaga Qaadi Karayay.

Maxkamada sare ee dalka Pakistan ayaa shaacisay in aysan cadaymo ku filan u haynin eedaymo musuqmaasuq oo xilka laga qaadi karo raisalwasaare Nawaz Sharif.
Taas badalkeedana waxay maxkamaddu amartay in baadhitaano dheeraad ah lagu sameeyo lacago la xawilay.


Waxaa su’alo ka soo ifbaxeen heshiisyada ganacsi ee qoyska Sharif ka dib markii saddex ka mid ah carruurtiisa lala xidhiidhiyay xisaabaad bangi oo ay ku leeyihiin dibedda sida lagu baahiyay xogtii la dusiyay ee Panama.
Kiiskani ayaa ahaa mid si wayn loo hadal hayay bilooyiinkii ugu danbeeyay iyada oo la saadaalinayay in arrintani ay go’aamin karto mustaqbalka raisul wasaare Sharif.
Ku dhawaad 1,500 oo boliis ah ayaa loo daadgureeyay dhismaha maxakmadda oo ku yaala Islamabad.
Mudaaharaadeyaal isu soo bax ku qabtay meel u dhaw maxkamadda ayaa Sharif ugu baaqay in uu xilka isaga dago waxayna ku dhawaaqayeen "Xilka ka dag, xilaka ka dag Nawaz”, sida ay qortay wakaaladda wararka Dunida
Maxkmadda sare ayaa aqbashaday dabayaaqadii sannadkii hore in ay baadhitaan ku samayso xisaabaadka uu Sharif ku leeyahay dibedda ka dib markii hogaamiyaha mucaaradka uu ku hanjabay dibad baxyo wadooyiinka dalkaasi lagu qabto.
Baadhitaankan ayaa diiradda lagu saarayay lacago loo isticmaalay hanti looga iibiyay London iyada oo la isticmaalayo shirkado Pakistaan dibadeed ka dhisan.
Gabadha uu dhalay Sharif ee Maryam ah ayaa la sheegay in ay quud daraynayso in ay siyaasadda meel sare ka gaarto halka wiilashiisa Xasan iyo Xuseen-na eedeeyn loo soo jeediyay.
Sharif ayaa sheegay in hantidiisa uu ku helay wado sharci ah. hase yeeshee dadka dhaliila ayaa sheegay in shirkado dibada ah loo adeegsaday qarinta lacagtaas ama laga cararay in canshuur la bixiyo.
Golaha maxkamada sare oo ka kooban 5 xubnood ayaa ku kala qaybsamay gudoonkii shalay , laba garsoore ayaa ka soo horjeedsaday raisul wasaraha balse saddex garsoore ayaa amray in baadhitaanno dheeraad ah la sameeyo.
Xisbiga Pakistan Muslim League – (PML-N) ayaa bogaadiyay go’aanka kuna tilmaamay guul halka gabadhiisa Maryam ay barteeda tweetar-ka ku soo qortay "Mahad oo dhan alle ayay u sugnatay.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip