Ninkii Dortmund Qarxiyay Jihaaddoon Ma Ahayn Ee Lacag Doon Buu Ahaa.
June 26, 2017
Latest Headlines:   _

Ninkii Dortmund Qarxiyay Jihaaddoon Ma Ahayn Ee Lacag Doon Buu Ahaa.

0
Friday April 21, 2017 - 11:27:53 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii Dortmund Qarxiyay Jihaaddoon Ma Ahayn Ee Lacag Doon Buu Ahaa.

    Ninkii Dortmund Qarxiyay Jihaaddoon Ma Ahayn Ee Lacag Doon Buu Ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkii Dortmund Qarxiyay Jihaaddoon Ma Ahayn Ee Lacag Doon Buu Ahaa.

Booliiska dalka Jarmalka ayaa dacwad ku soo oogay nin looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday bas ay la socdeen kooxda Borussia Dortmund.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ninkani uu ku luglahaa arrimo ganacsi uuna quuddaraynayay in uu lacag ka sameeyo haddii uu hoos u dhac ku yimaaddo qiimaha ay kooxdu ka joogto suuqyada saamiyada.

Waxay intaas ku dareen in uusan wax lug ah ku lahayn kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah.

Ninkani oo 24 jir ah ayaa magaciisa lagu sheegay Sergej W,waxa uuna daganaa hoteelkii ay daganaayeen kooxdani kubada cagta isaga oo ka daganaa qol ku sii jeeda goobta uu qaraxa ka dhacay.

Labo ruux oo ay waxyeelo ka soo gaartay saddex qarax oo baska agtiisa ka dhacay ayaa u baahday dawayn.

Qaraxyadaasi waxay dhaceen 11 bishan Abriil.

Arrintaasina waxay horseeday in dib loo dhigo ciyaar dhexmari lahayd Borussia iyo Monaco.

Booliiska ayaa markii hore ula dhaqmayay siddii fal argagixiso, ka dib markii goobta uu qaraxu ka dhacay agteeda laga helay waraaq tilmaamaysa in uu weerarku xiriir la leeyahay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Dhalooyin jajaban ayaa wadada lagu arkay qaraxa ka dibLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDhalooyin jajaban ayaa wadada lagu arkay qaraxa ka dib

Maalintii ku xigtay maalintii uu qaraxu dhacay ayay xireen qof 25 jir ah oo Ciraaq u dhashay oo ay sheegeen in oo la sheegay in uu "xiriir la leeyahay dadka jihaad doonka ah", laakiin baareyaasha ayaa shaki wayn ka muujiyay in ujeedada weerarku ay ahayd jihaad doonnimo.

Booliisku wuxuu sheegay in u jeedada waraaqda loo dhigay ay ahayd marin habaabin iyo in dadku u qaataan in ay ka dambeeyeen dad jihaad doon ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip