Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Mar Kale Ka Dhacay Deegaanka Dharkayn-geenyo Ee Koonfurta Gobolka Sool+Tirada Dhimasho Iyo Dhaawac.
December 12, 2017
Latest Headlines:   _

Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Mar Kale Ka Dhacay Deegaanka Dharkayn-geenyo Ee Koonfurta Gobolka Sool+Tirada Dhimasho Iyo Dhaawac.

0
Friday April 21, 2017 - 16:32:13 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Mar Kale Ka Dhacay Deegaanka Dharkayn-geenyo Ee Koonfurta Gobolka Sool+Tirada Dhimasho Iyo Dhaawac.

    Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Mar Kale Ka Dhacay Deegaanka Dharkayn-geenyo Ee Koonfurta Gobolka Sool+Tirada Dhimasho Iyo Dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Mar Kale Ka Dhacay Deegaanka Dharkayn-geenyo Ee Koonfurta Gobolka Sool+Tirada Dhimasho Iyo Dhaawac.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool soona gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in dagaal khasaare sababay uu maanta deegaanka Dharkayn-geenyo ee Koonfurta gobolka Sool uu ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidan maleeshiyo Beeleed ah oo hubaysan.


Waxaana dagaalkan uu sababay dhimashada laba askari oo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland iyo hal qof oo kamid ah ciidamadii maleeshiyo beeleedka ahaa halka ay wararka qaarna sheegayaan in halka qof ee dhintay uu yahay qof shacab ah.

Waxaana dagaalkan uu ka dhashay maanta kadib markii ay ciidamada qaranka Somaliland sheegeen inay la wareegayaan amaanka,xasiloonida iyo gacan ku haynta deegaanka Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool iyo waliba deegaano kale oo ka tirsan Koonfurta gobolka Sool oo ay ka taagan tahay colaad daba dheeraatay oo u dhaxaysa laba Beelood oo wada dega Deegaanadaasi,taas oo ay xukuumadda Somaliland dhawaan go’aamo adag kasoo saartay.

Waxaana ay xoguhu u sheegeen in markii ay ciidamada qaranka Somaliland gaadheen deegaanka Dharkayn-geenyo ee Koonfurta gobolka Sool ay ciidamada Maleeshiyo Beeleedka ah weerar kusoo qaadeen halkaas oo uu ka dhashay dagaalkan khasaaraha sababay.

Dhinaca kale wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada Qaranka Somaliland ay gabi ahaanba la wareegeen deegaanada Dharkayn-geenyo iyo Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool,iyada oo halkaasina ka taagan tahay xiisad car iyo wir ah oo u dhaxaysa labada dhinac.

Gabagabadiina deegaanada koonfurta gobolka Sool ayaa waxa ka taagan colaad sokeeye oo u dhaxaysa laba Beelood oo Ood wadaag ku ah deegaanadaasi iyada oo ay xukuumadda Somaliland-na go’aamo adag kasoo saartay colaaddan dabada dheeraatay ee ka taagan deegaanada Koonfurta gobolka Sool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip