Qabiilyahan,Dawladyahan,Danyahan iyo Xisbiyahan Qabiilyahan (adeeryahan).
August 22, 2017
Latest Headlines:   _

Qabiilyahan,Dawladyahan,Danyahan iyo Xisbiyahan Qabiilyahan (adeeryahan).

0
Tuesday April 11, 2017 - 16:23:28 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiilyahan,Dawladyahan,Danyahan iyo Xisbiyahan Qabiilyahan (adeeryahan).

    Qabiilyahan,Dawladyahan,Danyahan iyo Xisbiyahan Qabiilyahan (adeeryahan).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabiilyahan,Dawladyahan,Danyahan iyo Xisbiyahan Qabiilyahan (adeeryahan).

Had iyo gooraale waxaynu aragnaa qof sita oo u garbo-duuban nin siyaasiya oo Adeer u ah,ama ugu toosan,halkaas waxa kaga soo baxaysa inuu saaxiibkani yahay Qabiilyahan ama (adeeryahan) wax Faa'iido ahna uma laha qaranka iyo qofka uu ehelnimada ku taageersanyahay midna,inta badana waxa dhacda in Xisbiyahano iyo dawladyahano firinfircoon ka caydhiyo,oo ay cudud kala hayaamaan.

Dawladyahan

Waxa Jira isna qof u go'ay Arimaha qaranka,kuna hawlan hirgelinta hawlaha dawladnimo iyo waxtarka dalka iyo dadkiisa.

 

Waa qof iska dhaafay,Danaysinimo,qaraabo kiilnimo iyo dhammaan dabeedadaha fashilma,waana dadka inta badan horumarka waddankooda gaadhsiiya.
Waa dawladyahan shakhsigaasi,waxaanu ku suntamay sifo wanaagsan.

 

Haddii aynu xusnay Qabiilyahan iyo Dawladyahan,bal aynu eegno iyana Xisbiyahan iyo danyahayn.

Xisbiyahan

Xisbiyahanimadu waa dhaqan fiican xaga dawladnimad iyo dimuquraadiyada aynu sheegano ku dhaqankeeda,haddana aynu baal marsanahay.

Xisbiyahanku inta badan wuxuu xambaraa afkaarta xisbigiisa,uu ka tirsanyahay ama taageersanyahay,xisbiyahanku waa laf dhabarta guulaha xisbigu gaadho muddo kasta oo ay ku sinaato.

Danyahan

Danyahanku ma laha mawquf shakhsinimo oo meel loogu soo hagaago lagama sugo,wuxuu hadba u janjeedhsadaa halkii dani isaga ugu jirto,waxana laga yaabaa inuu Ka danaysto Gol-ceebeed qaranka lidi Ku ah.

Danyahanku miisaan siyaasiya iyo mid bulsho ma yeesho,waxaanu Ku sifoobaa La adeegsade uskag qaata.

Sifooyinkan aan idinla wadaagey lababa gaar bay isaga soo horjeedaan.
Dawladyahanka waxa ka soo horjeeda Danyahanka,halka xisbiyahankana uu ka soo horjeedo qabiilyahanku.

Haddaba is waydii qofkaa tahay iyo sifaha aad sidato.

Qoraa : Eng Dacar Jama



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip