Culimada Aan Dhowrano Dadkaygow, W/Q: Maxamed Cabdi Sooyaan
June 26, 2017
Latest Headlines:   _

Culimada Aan Dhowrano Dadkaygow, W/Q: Maxamed Cabdi Sooyaan

0
Tuesday March 28, 2017 - 16:39:40 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimada Aan Dhowrano Dadkaygow, W/Q: Maxamed Cabdi Sooyaan

    Culimada Aan Dhowrano Dadkaygow, W/Q: Maxamed Cabdi Sooyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culimada Aan Dhowrano Dadkaygow, W/Q: Maxamed Cabdi Sooyaan

Culimadu waa astaanta jiritaanka iyo joogitaankeeda Qaran ama dadyow meel kuwada nool oo isku waqti ah. Haddii umadi qaadatoo dacwada iyo yeedhmada culimadooda ku taagan dariiqa saxda ah way hagaagtaa waxaana ku dhacda oo guul u noqota inay helaan cilmi ,iyo taageeraha rabigooda s.w..

Culimada in la ilaaliyo ,Lagana dhowro wixii dhibaya fadeexad,liidid ,ama yaraysi cilmiga ay barteen, oo waa mid aan aad loo jeclaysan Karin waana waxyaabaha keena cadhooyinka alle S.W.T.waayo culimadu waa qof laabta ku haya hadalka Eebaheena wayn S.W. iyo xadiiska rasuulkeena suuban S.C.W.

Waxaa hadaba wax lala yaabo ah in maanta aan la sharfayn ,lana soo dhawaynayn ,lana fadeexaynaayo oo la odhanayo waa iska jis camo

ku suux subxaaanallah ,waxaaa dhacda in dadku ay yidhaahdaan markay sheikh arkaan gadhmayn oo meel maraya waar yaan lagu xidhinee iska xiir ,iyadoo gadhku sunne yahay khayrna xanbaarsan yahay..

Waxyaabaha culimadu waxay isugu jiran mid sax ah iyo mid hareer maraya wadada saxda ah sidaa awgeed waxaa qofka ukala sari kara isagoo kitaabka illlahay S.w..T barta oo markaasi dariiqa saxda ah ogaada allena talo saarta..

Maanta marka diirada dhabtah la saaro waxay qabteen culimada wadanka Somaliland shaqooyin badan oo ay ka mid yahiin

ü Soo saarinta culimo dhalinyaro ah oo cilmiga diinta ku xeel dheer kana qayb gala tartanada caalamka iyagoo magaca Somaliland sita

ü Samaynta hayado khayri ah oo wax badan wadanka ka hir geliyay ha ahaato

1. Dhismaha masaajido

2. Maraakis iyo malcaamado quraan

3. Heshiisiinta arimaha khilaafiga ah eek a dhaca wadanka dawlad iyo shiciba.

ü Dacwada oo ka shaqaynteeda ay u tahay shaqada koobaad ,dad badana maanta ay ku intifaacen oo maanra masajida sababta culimada iyo rabitaanka alle kusoo galeen

Waxaa dhibaato ah in maanta aan culimada la ilaashan oo dad badani ay xataa yidhaahdan quraan ayuu lacag ka qaadayaa mushqaayad yar oo uu bariiska ciyaalkiisa siisto ayaa maanta lagu dhaleeceeyaa.waxa is waydiin ah isagu muxuu munaafacad sani markuu yidhi waxaad doontaan waan qaadani ma khaldana.

Waxaan ku talin lahaaa wadajirka iyo wax wada qabsi umada reer Somaliland ayaa qof walba oo reer Somaliland ah u ah farxad aynu dadkena iyo dalkeena ilaashano.

Culimadana si gaar ah haloo ilaashado wayo umadi intay wanaaga is farayaan alle naxariistiisa ayaa u dhow…….

W/Q: Maxamed Cabdi Sooyaan

Email: Msoyan6@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip