Duruufaha Nololeed Ee ku Gadaaman Shaqaalaha Dawlada. Qore: Farxaan A. Maygaag.
December 12, 2017
Latest Headlines:   _

Duruufaha Nololeed Ee ku Gadaaman Shaqaalaha Dawlada. Qore: Farxaan A. Maygaag.

0
Tuesday March 28, 2017 - 16:39:40 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duruufaha Nololeed Ee ku Gadaaman Shaqaalaha Dawlada. Qore: Farxaan A. Maygaag.

    Duruufaha Nololeed Ee ku Gadaaman Shaqaalaha Dawlada. Qore: Farxaan A. Maygaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duruufaha Nololeed Ee ku Gadaaman Shaqaalaha Dawlada. Qore: Farxaan A. Maygaag.

Umaan qaadan qalinka mucaarad nimo iyo olole siyaasadeed mid naba, hase ahaatee waxaan mucaarid iyo muxaafid ba caad ka saarnayn duruufaha iyo xaalada adag ee nololeed ee shaqaalaha dawladu ku sugan yihiin, waa marag madoon in ay maanta ka fiican yihiin wakhtiyo hore oo shaqaalaha soo maray hase ahaatee geedigu ma foga.

Meel fog adiga oo aan eegin shaqaalaha dawlada ee wadamada aan xuduudka la leenahay sida jabuuti , Soomaaliya iyo itoobiya way ku sharfan yihiin shaqada ay hayaan iyo mushahar ahaanba. Dhinaca kale tusaale ahaan hadii aad is waydiiso, faraqa Nololeed, tayo ahaan, wax soosaar iyo ka xirfadeed ee udhexeeya shaqaalaha dawlada iyo shaqaalaha ururada aan dawliga ahayn ee samafalka khaasatan kuwa maxaliga ah (Local NGO’s) ,marka laga reebo shaqaalaha ka shaqeeyaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay (Private sector), Waxaa kuu soo baxaya, in ururada samafalka ee maxaliga ahi ka mushahar badan yihiiin boqol kiiba laba boqol (200%) iyo in ka badan mushaharka ay qaataan shaqaalaha Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawladu. kuwa qaramada midoobay ama hay’adaha caalamiga ahna lama bar bar dhigi karo, yaab lehe!!!Hadana dawlada ayaa maamusha dhamaanba hay’adaha aan kor ku xusnay.

Hadaba, qormadan waxaan ku soo qaadan doonaa ama kaga jawaabi doonaa sedex suaalood ee hoos ku qoran;

Qaybaha shaqaalaha dawlada, Maxaase keenay mushahar yaraanta iyo saamaynta sixir bararka?
Maxaa ka dhashay ama ka dhalan kara?
Maxaa lagu xalin karaa?

Hadii aan ku horayno suaasha koowaad, shaqaale waynaha dawladu wuxuu u kala baxaa sadex daba qadood oo isku dul huwan iyo magacana ka siman?!!!.

Dabaqada koowaad, maamulka sare (Top managers) oo ah madaxda sar sare sida, Wasiirada, Madaxda hay’adaha madaxa banaan ee dawlada iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo adigu korodhso mooyee…..!!! dabaqadan oo markooda hore u badnaa dabaqada sare ee bulshada oo aan dareemi Karin nolosha uu dirawalkiisu ku noolyahay iy askariga garab taagan ku nool yahay.

Madaxdan sar sare, waxay qaataan mushahar ku filan dhamaanba qoys kooda oo ka badan mushaharka uu qaato qofka ugu sareeya hay’adaha caalamiga ah(Country director), mushaharkaasi wuxuu kafeeyaa dhamaan ba baahiyaha qoyska masuulkaa sare ee dawlada oo qaarkood ama badidood biil lacageed dibadaha ugu diraan qoysas koodii oo qurba jooga ah, halka shaqaalihii uu madaxda u ahaa aanu mushahar ku ugaadhayn qofkiya in iskuul fee kaga bixiyo, kiro guri iyo biil xaafadeedna hadal kiis daa.

Dabaqada Labaad, dabaqada dhexe (Middle managers) sida, Agaasimayaasha guud, Agaasime waaxeedada oo aan aniga naftaydu ka mid ahaan jira mudo labo sanad laga joogo iyo la taliye yaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan.

Daba qadan labaad, waa dabaqad iyada lafteedu iska dulman wax buurana aan hayn, hasa ahaatee aad iyo aad u dhaanta marka loo eego dabaqada sadexaad, waayo agaasime kastaa wuxuu leeyahay guno xileed iyo adeegyo dheeraada sida telifoon aan xad lahayn ,baabuur iyo shidaal xataa uu ugu adeegto maalin iyo habeen ba danihiisa iyo kuwa qoyskiisaba

Dabaqada sadexaad, waa dabaqada ugu hoosaysa ahna shaqaale hoosaadka hawlaha shaqada kala wada ama loo yaqaan (operational level) dabaqada badanaa dulman dhibta shaqo iyo la xisaabtan ka ugu badani uu ku dul dhaco, waana shaqaalaha caadiga ah oo loo kala saaro darajooyin aan waxba is dheerayn kharash iyo darajo ahaan oo kala ah (A,B,C&D), Marka laga reebo qolada loo yaqaan naftood horayaasha (ciidamada qaranka, booliska iyo macalimiinta) oo aan iyagu faalo inooga baahnayn war badana aanu inagu seeganayn.

Mushaharka shaqaalaha darajada (A) ah oo ah shaqaalaha haysta shahaado jaamacadeed iyo wixii ka sareeya wuxuu qaataa bishii (net salary) 850,000 s/sh, marka laga reebo wasaarado khaas ah oo guno hawleed u dheer tahay sida wasaarada maaliyada, duulista iyo hawada iyo wasaarado kale.

Uma baahna ablo ablayn iyo min qiyaas dheeraad ah oo aan saarano hooyada iyo aabaha qoys dhamays tiran usoo shaqo tagay darajo ahaana ka hooseeya (A&B) mushaharka uu helayo bishii iyo sida uu umaarayn karo halka maanta maciishada noloshu marayso oo ay kaw ka tahay sixir bararka, gurmad abaareed, dawga ceerigaabo, qaadhaanka reerka, tahriibka, balwada qaadka iyo,,,, oo sii hurisay waayaha dhabta ah ee waalidka.

Waxaa la yaableh in mararka qaarkood lacagta kaashka ah oo u badan lacag waawayn oo shaqaalaha dawlada mooyee cid kale isticmaalin sida boqol boqolka shilin marka shaqaalaha dawlada la siiyo isla wakhti kaliya dhaw wasaaradood ay xataa waayaan sarif le ay ka sariftaan qiima dhaca ku yimid lacagta Somaliland awgeed.

Hay’adaha caalamiga iyo kuwa qaramada midoobay badanaa waxay lacag aan xad lahayn ku bixiyaan la taliye yaal mudo kooban u shaqeeya wasaaradaha kuwaas oo ay lacag 20 tan shaqaale ah daryeeli lahayd ku baxdo, hawsha ay qabtaana ka liidato ta ay aqoon iyo xirfad u leeyihiiin shaqaalaha dawladu.

Miisaaniyada dalku maaha mid gabtay shaqaale waynaha u badan dhaliin yaro mustaq bal koodu daawaha saraaran yahay, hami guur, mid gaadhi iyo mid guri(3G) toona aanu ku jirin maskaxdooda, laakiin waxaa jirta hoos u eegis la’aan iyo fahan sanaan la’aan dawladnimada lafteeda, bal ku darsoo oo maxaa keenay in manta dhaliin yaro badani ushaqa tagto dawlada aan cago ku taagnayn ee Muqdisho iyo maamul goboleedka putland oo qofka noloshiisii iyo nabad gal yadiisii halis galayso.

Hadii dhaliin yarada loo sii daayo maan kooda iyo gacantooda waxaan hubaa in ay iyagu shaqo iyo mushar ku filan shaqaala waynaha Somaliland usamaysan karaan, waa hadii dawlad nimadu ka waynaato gacan ku haynta beesha caalamka iyo ururada Samafalka.

Maxaa ka dhashay ama ka dhalan kara mushahar yaraanta;

Musuq maasuq
Shaxaad qaawan
Ku tagri fal awoodeed
Lunsi xoole umadeed
Xatooyo
Amni daro
Maamul xumo iyo is maqal la’aan
Ku tiirsanaan deeqo dibadeed
Sabool nimo baahda
Wax qabad la’aan ama fadhiid
Tahriib iyo firxad dhaliin yarada ah
Mooraal xumo iyo niyad jab
Isku dul noolaansho
Shaqo ka tagid joogta ah
Iyo kaar kaloo badan!!!

Guntii iyo Gunaanadkii;

Xalku muxuu yahay?

xalku wuxuu ku jiraa in laga cadaalad sameeyo masuuliyada illaah ina saaray qof kasta, khaasatan maamulka sare ee dawlada, sharci dajinta(Baarlamaanka iyo guurtida) iyo muwaadiniinta Somaliland haday noqoto tijaarta iyo aqoon yahanada dalka iyo dibada oo la iska kaashado sidii xal loogu heli lahaa mushahar xumada mudada dheer haysatay shaqaalaha dawlada.

Sidoo kale waxaa mihiim ah, in lasa meeyo cilmi baadhis dheeraad ah oo ku salaysan heerka nolosha qoosku ee soomaliland (household living cost) ku noolaan karo bishii, markaa ka dib na dawladu ka yeelato istaraatijiyad cad iyo siyaasad ku wajahan daryeelka shaqaalaha dawalada, sidoo kale in lala kaashado hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay sidii kor loogu qaadi lahaa musharada ama kabis loo samayn lahaa mushaharka, hadii kale xaalku wuxuu noqonayaa nin haan daba la biyo ku dhaaminaya.

Si looga hor tago dhib ka dhalan kara ama loo xaliyo dhibaatooyinka ka dhashay waxaa muhiim ah in aan cid kale lagu riixin ama laga raadin dhibka shaqaalaha haysta in cid kale xaliso ee ay dawladu xaliso iyaguna ka qayb galiso sidii xal loogu heli lahaa waxaa xusid mudan in wakhtigii uu wasaarada maaliyada wasiirka ka ahaa Eng. Maxamed Xaashi uu kor dhiyay mushaharka shaqaalaha 100% kuna han waynaa in sanad walba uu kordhiyo 50% ilaa uu ka gaadhayo heerka ugu fiican ee uu qoyska shaqaalaha dawladu ku noolaan karo. Hadaba dawladu waa dawladii, miisaaniyaduna waa miisaaniyadii oo hoos waxba uma dhicin ee maxaa qorshahaa wanaagsan lagu badalay? Qorshaha ma waxa watay shaqsi mise dawlad?

Suaalahaa jawaabtooda waxaan u dhaafayaa dad waynaha maqaalkan akhrisan doona iyo cid kasta oo u saaxiiba dareen iyo aragti caafimaad qabta.

ALLAA MAHAD LEH

Farhan.abdi.m@gmail.com

Hargeisa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip