Warbixinta Xaaladda Abaarta Ka Jirta Gobolada Togdheer, Buuhoodle Iyo Daadmadheedh Huda Cali Banfas
October 17, 2017
Latest Headlines:   _

Warbixinta Xaaladda Abaarta Ka Jirta Gobolada Togdheer, Buuhoodle Iyo Daadmadheedh Huda Cali Banfas

0
Sunday March 26, 2017 - 16:24:28 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixinta Xaaladda Abaarta Ka Jirta Gobolada Togdheer, Buuhoodle Iyo Daadmadheedh Huda Cali Banfas

    Warbixinta Xaaladda Abaarta Ka Jirta Gobolada Togdheer, Buuhoodle Iyo Daadmadheedh Huda Cali Banfas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta Xaaladda Abaarta Ka Jirta Gobolada Togdheer, Buuhoodle Iyo Daadmadheedh Huda Cali Banfas

 

Toddoba iyo tobankii (17) Bishan aynu ku jirno ee Maaraj ayaa aniga iyo koox dhalinyaro ahi oo iskayo isu abaabulnay u baxnay inaanu la dareen qaybsano kana soo war bixino xaaladda abaareed ee ka jirta deegaano ka mid ah Buuhoodle, Togdheer,Iyo Daadmadheedh. Waxaanu ku horreynay Coodanle(180km ayay bari kaxigtaa burco) oo ah goobta ugu badan ee ay isugu yimaadeen dadyow badan oo reer guuraa ah iyo kuwii deegaanadda ku dhow daganaa.

Waxaa isu keenay biyaha ay ka helayaan riiga meesha looga sameeyayiyo Hogoshiiugu danbaysay eecirallekasoo tiixda . Subaxnimadii hore ee 18 bisha ayaanu la kulanay maamulka deegaanka Coodanle oo nooga warbixiyay xaaladda deegaanka iyo dadka. Waxaan sidoo kale uu la kulanay dadkii isugu yimid ceel-biyoodka, kuwaas oo noo sheegay deegaanadda ay kasoo hayaameen , biyo la’aanta iyo baad la’aan jirta isla markaana xoolihiiiyo muwaashidii ay wateen waxna bakhtiyeen waxnasiiwaraaqayaan.

Waxaan idhahayaga ku aragnay awrkii reraygaahaa oo aad u liita oon socon Karin , oo hadana lagu soo dhaan tagay h baahida biyo la qabo awgeed. Dhibaatooyinka dadka qaar ka cabanayeen waxaa ka mid ahaa faramadh’naanta hantidoodii oo hadana dul joogta, sababtuna tahay majiro waxmaanta xoolahoodu goynayaaan !.taa badalkeedii waxa qoysasku nafahooda ku badbaadiyeen amaah ay ugu quudhtageen bakhaarada magaalada!. Waxaa iyaddana meesha ka jirtay culays dhanka biyaha Riiga ah waayo Qulqulka aroorka xoolaha qaybahooda kaladuwan , dhaankii, iyo shinbirihii ayaaka dhigay meel aan hawluhu sifiican kuugu dhamaanayn, Waxaanu u sii dhaafnay dhanka Ballidhiig oo sidoo kale ay dadka deegaanku lana wadaageen dareenkooda iyo xogta dhabta ah ee ka jirta deegaanka , iyadda oo qaar ka mid ah odayaasha deegaanku warbixin nagu siiyeen inay biyaha la cabaan Coodanle iyo inay xoolihii dadka ka dhamaadeen abaarta ba’an ee jirta awgeed. Waxa kale oo ay noo sheegeen dadkii ay xooga u taabatay abaartu inay ka gudbeen dhanka xadka itoobiya ee ay la jaarka yihiin isla jeerkaana looga dhisay Buul-cawsyo. dawladda Ethiopia na ay xil iska saartay inay dadkaasi caawimo siiso.

Markii aan ka nimid Ballidhiig waxaan u hoyanay Xaaji Saalax oo ay maamulka deegaanku nagu qaabileen noogana war bixinyeen xaaladda deegaanka iyaga oo kala sinaa Balidhiig sida ay qaar ka mid ah deegaanku uga talaabeen xadka oo dhanka Itoobiya ay biyo u doonteen oo dhankaa baco hoy ah uuga dhisteen, waxa kale oo ay noo sheegeen inay jiraan reero ku soo guurey deegaanka oo kasoo hayaamay deegaano kale , waxa aanu u soo dhaafnay deegaanka Obsiiye oo ka tirsan degmada Xaaji Saalax , halkaas oo ay ka jirtay abaar ba’an oo xoog u saameysay dadka degan iyo kuwa u soo guurey. Waxaanu la kulanay reero xoolihii ay lahaayeen gabi ahaan ba ay abaartu ka laysay! Oo ku caydhoobay!. Waxaanu deegaankaa kula kulanay qoys lahaa afar boqol oo neefhadana gabi ahaan meeshii ka baxeen .

Waxaanu safarkayagii kusoo gaadhnay deegaanka Harosheekh ee Oodweyne halkaas oo aanu kula kulanay maamulka deegaanka oo iyaguna nooga warbixiyay, iyaga oo noo sheegay inay badanka dadkee deegaanku u hayaameen wajaale iyo Gabiley. Harosheekh waxay caan ku ahayd Banka Tuuyo oo ay xiliyadda guga isugu iman jireen dadyow badan oo ka kala yimid deegaano fog fog , halkaas oo ilaa ku dhawaad kumanaan qoys dagi jireen ,laakin wakhti xaadirkan abaarta ba’an ee ka dhacday deegaanka ay dadkii ka hayaameen intii soo hadhayna ay abaartu sixun u hayso, islajeerkaana oo biyaha looga keeno intii heli karta inay booyado ka dalbadaan Burco iyo Hargeysa.
Deegaanada dadka qaarkood waxay ku badbaadaan biyaha yare e ay dirtaan kuwaas oo ama dadkii qurbejooga ahaa caawimo yar oo ka timid ha noqoto ama mid ay ururo yar yar isku soo geeyeenee ay ku nool yihiin . iyagoo dhowraya In Ilaahay naxariistiisu timaado oo roob la helo . Waxaanu sii marnay deegaanada DHERYALAY,DHAGAXDHER, CANDHO-DHEXE, SIBIDHLAY, RIYOXIDHO, YUCUBYABOOH, DURUQSI, GORAYAXUN, X. SAALAX ,OBSIIYE, BAARCAD, JEENYOLAAYE, BALICARAALE, KALA-BAYDH, IYO HAROSHIIKH. Dhamaantood waxay ka sinaayeen saameynta Abaarta ba’an, waxa kale oo ay ka sinaayeen xanuunadda la soo gudboonaaday dadka deeganada oo ay dadka badan koodu noo sheegayeen inay yihiin , lafogaraac, shuban iyo jadeeco. Deegaanadda aanu soo marnay qaar ka mid ah may gaadhin Guddidada abaaruhu taas oo keentay inay dadku cabashooyinkooda waayeen cid ay u sheegtaan Ilaahay ka sakow. Fariimaha ugu culus ee deegaan kastaa nala wadaagayay waxay ahayd baahida biyaha , cuntada iyo daawooyinka xanuunada ka dhashay bakhtiga xoolaha ee ay qaarkood gubeen iyo kuwa kale oo tiro belay oo ku filiqsan deegaanada.

Tallo soo jeedin:

1. Dhibku wuu dhacaa se xalkiisa ayaa ama lamahadshaa ama laga muusanaamaa, gudida abaaruhu hasameeyaan qorshe sanadeed xal u noqon kara abaaraha soomaalilaan.
2. Waxaan soo jeedinaynaa in laga sameeyo dhamaan Degmooyinka hoos yimaada gobolada intii laga awoodo ceel biyood lagu oon baxo kolka abaartu jirto.
3. In dawladu samayso seerayaal ay maamulkooda gacanta ku hayso si loogubaxsado xiliga adag.
4.in dhamaan haayadaha gargaarka ee dalka jooga laga shaqaysiiyo xiliyada adag lana helo garab istaagooda, lana qorsheeyo isla markaana sanduuqa horumarinta soomaalilaan lagula xisaabtamo hayntiisa .
5.in dhamaan deegaanadaas gurmad deg dega loo diro siiba Obsiiye, Harashiikh iyo goobaha kale ee sida ba’an abaartu u hayso, halka deegaanada coodanle iyo balidhiig ay iyagu wali latacaalayaan xal u helida abaarta .
6. Cunooyinka galayda ayaa ah ka ugu muhimsan ee xooluhu u baahanyihiin waxaanu soo jeedinaynaa in gargaar lagaadhsiiyo .

7. Cuduro ayaa ka dilaacay deeganada jadeeco iyo shuban ayaa igu badan wasaarada caafimaadku hawgu deeqo dawooyin iyo gurmadka shaqaalaha caafimaadka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip