Saameynta & xidhiidhka: Caqliga, dhaqanka iyo diinta W/Q: Cabdixakiim "Tiyari"
December 14, 2017
Latest Headlines:   _

Saameynta & xidhiidhka: Caqliga, dhaqanka iyo diinta W/Q: Cabdixakiim "Tiyari"

0
Sunday March 26, 2017 - 16:07:38 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameynta & xidhiidhka: Caqliga, dhaqanka iyo diinta W/Q: Cabdixakiim "Tiyari"

    Saameynta & xidhiidhka: Caqliga, dhaqanka iyo diinta W/Q: Cabdixakiim "Tiyari"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saameynta & xidhiidhka: Caqliga, dhaqanka iyo diinta W/Q: Cabdixakiim "Tiyari"

Dhaqanka bulsho wuxuu sifeeyaa – aragtida iyo qaab-fikirkooda. Waanna halbeegga laga cabbiro inta garaadkoodu iyo garashadoodu ba fidsan tahay. Haddii uu halbeeggu lumo, maxaa lagu cabbiraya ayay weyddiintu tahay?. Kawaran haddii aad bukooto, deedna dawadii lagu gu dabiibi lahaa, ay iyana bukooto?[…. In rajadda nololeed ee bukaankaasi ay soo gaabato ayaad filaysa. Saw ma aha!].


Dhaqan waa waxa ay bulsho kunooshahey – waanna wax bini’aadamku askumo. Hab-dhaqanka taariikheed ee bulsho wuxuu qeyb ka yahay aayatiinka iyo joogtada noloshooda. Sidoo kale, wuxuu saameyn togan iyo mid taban ba ku leeyahay nolol maalmoodkooda, taas oo ay sabab u tahay; fikirka iyo aragtida ay goor kasta iyo xilli kastaba xambaarsan yihiin. Hiddaha iyo dhaqanka bulsho waa la geddin karaa, lamana geddin karo [ waxey ku xidhan tahay taasi, hadba inta ay aragtidooda iyo fikirkoodu kobco]. Sidoo kalena deegaanka iyo dabeecadda waayuhu qeyb laxaad leh ayay ka qaataan meertada noloshooda. Bulsho kasta oo adduunka kunooli waxey leedahay: Anshax (Ethics) ay ku dhaqanto, iyo dhaqan ( Culture), taas oo ay ka dhaxleen abo’gooda. Ma jirto dad la dhaqan iyo hab-nololeed la ah dad kale, suurogalna ma aha in ay isku mid noqdaan, maxaa yeeley – faraca iyo silsiladda sinjiyaddeed baa diiddeysa iney wax-wadaagaan, ama tallantaali ahaadaan. Haseyeeshe, dhaqankasta waa laga guurra, haddii la dhex dheehdo:" Halis nololeed oo aan la jaan-qaadi karin qarniyada casriga ah”.Dhaqanka Soomaalida haddii hoos loogu dhaadhaco, faraca ahAnshaxa, waxaad ogaaneysaa in anshaxeennu hooseeya, siiba – cabbirka – xumaanta iyo wanaagga; saxa iyo qaladka; runta iyo beenta; caddaaladda iyo caddalad-darrada; fusuqa iyo dhowrsanaanta; xaaraanta iyo xalaasha. Majiro wax lagu kala sooci xaaladahaas isku cagsi ah ee aynnu caadeysaney. Soomaali ahaanna waxaan shaki kujirin in aynnaan kala saari kareyn dhammaan anshaxyadaas kor ku xusan – wadaad iyo caamo toona.

Saameynta & xidhiidhka: Caqliga, dhaqanka iyo diinta, waa dhufeyska ay qormadeennani ka duulli doonta. Dhaqanka Soomaalidu waxaad moodda inuu sirgacan yahay markaad ka fiiriso dhinaca afkaarta, oo waa tan horey uso sheegney in dhaqanku ka tarjumo afkaarta bulsho. Waxaa jirey xilliyo ay Soomaalidu diin ba ay heysan oo ay ahaayeen juhalo duur-joog ah, oo xeer iyo qaanuun toona aanu xidhayn; waxaa jirtey xilli diintu ay agtooda ka aheyd wax Carabi laheyd, oo aan mudneyn in la isku sii mashquuliyo. Sidaas darteed, qarniyadii dhexe in diintu kuyareyd bulshada Soomaalida, waxaa laga dhex akhrisaneyey sheekooyin murtiyeedka ay hal-abuureen bulshadii waagaas noleed, iyago dadkii ay diinta ku tuhmayeen shaki ka qaadey, iyaga iyo allahoode, run mise been – ka ay tahay ba – waa kuwii ku murtiyoodey " Shaw wadaadku waa nin” ; " Qandi uu ku rito iyo qiil uu ku banaysto wadaad baa leh”; " wadaad iyo dhurwaa iyaga kaa og meesha dheefta kujirto”. Waxey dhammaan xikmadahaasi farta ku fiiqayaan heerka aaminaad ee wadaadka ka qabeen bulshadaasi. Haseyeeshe, waxaa lagaadhey xilli caqliga bini’aadamku uu iskii wax-u-curin karo, u-fikiri karo, una horumarin karo, wax kala shaandheyn, u kala haadin karo, diidi karo, rumeysan karo.

Kaddib qaadashadii diinta Islaamku waxey dhaxalsiisey khalkhal nololeed iyo jaho-wareer maskaxeed, taas oo ay xundhurtu ugu xidhantay – dhaqankii iyo diintii oo la isku dhexmiley, oo hadba tii ammintaas faa’ido leh lagu dhaqmo. Diintu waa waxa bini’aadamku isku afgarto, garashadana la hadasha. Diinta cidda soo gudbisaa waa culumada. Oo haddii culumada si daneysimo ah usoo weriyaan, waxey abuureysaa in ay soo baxaan dad maan-gurracan oo kashooda caddaabi ka holceysa, qoortana ugu jiraan kooro qalalaxdaa haya – adigana ku cabsi gelinaya. Wadaadkii itaal baaska is-lahaa soo gudbi wax bulshada anfaca, isna wuxuu qeyb ka noqdey in cuduradaasi haleelaan, oo uu ka nabad-geli waayo ( haddii aanu isagu abuurin balaayadaas). Aqoonta maaddiga ah, iyo ta diiniga ah waa labo aan kala maarmin, oo isku lammaan. Wadaadku haddii uu masaajid hoosta kasoo xidho, oo uu yidhaahdo, in dibadda la istaago waa xaaraan, miyaaney rogmad aheyn?!. Wadaadku waxey aheyd inuu barri kanoqdo ballaayooyinkaas dhacaya, sidoo kalena ahaado mid bulshada indheer-garad u ah. Culumadii Islaamku waxey ahaayeen kuwo xanuunada bulsho kadhaca xalkooda si fudud ku dabiibi jirey, se culumada Islaamka hadda axaaddiis iyo saxaabi warkoodu ma dhaafsiisna, tani waxey keeneysa in dhigooda loollanka ugu jira in diintooda horumariyaan [ Kiristanka e’] ay ka dheereeyaan dhinac caqli iyo dhan aqooneed ba.

Qof aan rumeysneyn jiritaankiisa, ama isu arka inuu addoomaha eebbe abuurey uu ka faddilan yahay. Waana mid kamid ah dhibaatooyinka insaaniyadda dhaawacey, dib-udhacna ku ah – horumarka laga gaadhey – cilmiga nafsiyadda lahadla. Si kale, wada noolaansha bini’aadam ka dhexeeya waxaa hormuud ka ah garashada ah in is-qaddarin bini’aadantinnimeed ay tahay ta ka sarreysa waxkasta oo dhulka korkiisa yaal. Ugu horreyn, cilmiyadda maaddiga ah waxa ugu horreeya ee ruuxa la baraa waa siduu dadka ula dhaqmi lahaa, una noqon lahaa waddani u hiilaya gobolkiisa. Intaas dabadeed baa la barayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa. Si taas ka duwan, ruuxa Soomaaliga ah ee damcaya inuu maaddi iyo diin ba waxka barto, ma jirto hordhac u tilmaamaya sida dadka loo la dhaqmo, loo noolaado, dadka loo tixgeliyo. Isagoo intaas ba la barin, ayaa rukunnada diimeed ee ugu adag lagu akhrinayaa, seef-laboodnimo iyo is-la saxnaan iyo gaaleyn buu la korayaa, ixtiraamkii nololeed ee bulshada dhextaaley na wuu dhaawacaya. Dhaqankii oo gurracnaa, iyo aasaaskii hab-nololeedka ruuxeed, oo isna meesha ka maqan, waxey dhallayaan – sida, geed u baxey si qallooc ah, kaas oo siddeeda ba ay adagtahay in la toosiyaa.

Haddii uu baran lahaa dhismaha aasaaska hab-nololeedka ee bulshada dhextaalka u ah, mey jirteen wax adag, oo ka hor imanaya diinta. Laakin, maxaa yeeley maslaxadda bulsho ee u baahan in si cilmi iyo aqooni ku dhisan loo la tacaalo, ayaa kashooda laga gelinayaa caddaab iyo yawmal-qiyaame, aan waqti xaaddirkaas bulshada wax faa’ido u laheyn in loo fatwoodo. Halkii ay ka ahaan laheyd in la naxteeyo oo garaad ahaan iyo wanaag ahaan dadka loo dhiso, kadib na la baro rukunnada iyo mas’alooyinka diimeed – ismana diidi karaan baahida bulsho iyo diintu.

Caqliga eebbe wuxuu inoo siiyey ineynu ku fekerno, oo ka fekerno, kuna kala saarno qaladka iyo saxa. Xayawaanka waxeynu kaga duwanahey waa garashada iyo garaadka, waxba la ma dhaameen ma-noolaha iyo kalluunka badda hoosteeda kunool. Haddii aynnu inyar kuyar noqono sidii culimada hore ay u adeegsan jireen caqliga, waxey caddeyn u noqoneysaa – iney muhiim tahay – in akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsani ay kow ka yihiin" Is-waaajinta diinta iyo baahida Bulsho”.

In la isku turjumo ‘Waxyiga’ iyo ‘ Caqliga’ [=Reason and Revelation] waa ilinka iyo ibo-furka maan-furnaanta iyo hal-abuurka. Dhammaan libinta ay dadyowgii Muslimka ahí gaadheen waxa hoggaanka u hayey khubaro waddaajiyey waxyiga iyo caqliga, iyagoo dunidana unoqdey tusaale lagu soo hirto. Idil ahaan dhiggaalada iyo tixraacyada diimeed ee aqooneysan ee dunida Muslimku ku faanto, waxaa guushooda lahaa culimo u arkaayey in nolosha adduunyo iyo waxyiga ba la is-waafijan karo iyadoo maan salliim ah la cuskunayo. Taasi waxey sababtey in dunidii waagaas jirtey ay cilmi iyo aqoon korodhsi ba uso aaddo waddamada Bariyeed, halka eegga waxbarasho iyo nolol ba loo doonto waddamada reer Galbeedka. Is-weydaarka murkacsan ee gabbey xaddaaraddii iyo aqoontii qarniyada badan calankeeda cirka ka lulmaayey. Maanta waxey noqdeen hoyga argagaxisada iyo dib-u-dhaca dunida. Halka waddanka Mareykan taariikh ahaan noqonayo waddankii ugu horreeyey ee mamnuuca waddamo u badan Muslimiin, iyadoo bog iyo sharaf dhac aayatiineed oo muuqaal xun ku leh idil ahaan ummad ku ab-tirsata Islaam. Waxaa xanuunku yahay dhaadanaanta iyo moogganaanta heysata caalamka Islaamka, iyagoo madaddaalo iyo dhayal carruureed u heysta tartanka raqamkiisu weyn yahy. Qolo ku abtirsata Muslimiin oo ‘ Shiico’ ku suntanna waxey noqdeen xadhiga loo raaco duminta iyo khilaaf abuuritaanka sawraca nololeed ee umadda Islaamka.

Silsiladda taxanaha ee ku dhisan fikrado siyaasadeysan ee lacag doonta ah ee xakamaha u jiidey dunida Muslimka ah, waxey sidoo kale saameyn taban kuyeelatey culimadii Soomaaliyeed, iyagoo soo xambaartey dhiggaalo iyo fikrado loo abuurey in lagu curyaamiyo iftiinka dunida Islaamka. Waddad yar oo masaajiddada Hargeysa iyo Garoowe aan dhinacna u dhaafin, xog badanna aan ka aheyn miinooyinka mu’aamaradeysan ee qolyo lacag doon ahí ay danahooda ku fushadaan, ayay sacabka u tumayaan. Isla jeerkaas na waxey ka faa’ideysanayaan bulshadan yar ee aqoonta diintu ku yar tahay, taas oo gaadhey heer ay dadku waddaada ka aaminaan iney yihiin‘ Macsuumiin’aan khaldoomin.

Dhinaca kale, shareecada Islaamku waa tiirarka ugu muhiimsan ee dadyowgu Muslimka ahi tixgelin iyo qaddarin umuujiyeen, waanna aasaaska dhaqanka iyo anshax wanaagga. Inbadan ayay ka warrameen culimada Islaamku ahmiyadda shareecada. Tusaale ahaan: Al-Ghazali buuggiisaal-Mustafa, Ibn Abd al-Salam buuggiisaQawoid al-ahkam fi masalih al-anam,iyo Abu Ishaq al-shatibi buuggiisaal-muwafaqat. Meselan, Al-Shatibi,wuxuu yidhi:"shareecada Islaamku waxey u taagan tahay soo saarida dhaqannada wanaagsan, iyo ka deggida ficilada shaydaannimada ah, waxaana hubaal ah iney bar-dhammaad dhameystiran ay gaadhey. Waxyaabaha [= Masalih] wanaagsani waa kuwo kor-u-qaadaya meeqaamka nololeed [ ee aadanaha] , iyo in bini’aadamku aqoonsado jiritaankiisa

Ugu dambeyn, sidee la isu-waafajiyo baahida bulshada iyo diinta? Waa in la helaa saddex qodob:

  • Shiikh isu miisaami kara baahida bulshada iyo diinta, aqoon xeel-dheeri ahna u leh cilmi-nafsiga [=psychology]. Maxaa yeeley, dadkeenna cilmiga la hadla nafta ayay u wada baahan yihiin. Waxaad arkeysa qof miyir qaba, oo haddana waalan […Keliya cashar duruuftiisa cilmi-nafsi ahaan ku saabsan baa loo dhigi lahaa, halkii qulxiya lagu akhrin lahaa].

  • Qaab-fikirka bulshada [= attitude] oo la beddelo, si loo helo awood garasho [ = Aptitude].

  • Iyo dhaqanka la casriyeeyo, maadaama uu diin ahaan iyo xaddaarad ahaan ba liddi kuyahay.

In dhaqankeenna dib loo cusbooneysiia, ayuun baa la saan-qaadi karaa diinta aynnu rumeysannahey. Maxaa yeeley, diintu waxey ahmiyad weyn siisey anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan. Oo waa kii Nebi Maxamed ( NNKH) yidhi: "Waxa la isoo direy si aan u dhameystiro akhlaaqda iyo anhsaxa wanaagsan”. Anshaxa oo weecsama, wuxuu aabbe u yahay caqiidaddeenni oo fasahaada.

"Cilmiga ha laguu dhigee, caqliga kaasho baa la yidhi”

Cabdixakiim Cabdillaahi Aaden, waa ardey kunool waddanka Ethiopia, gaar ahaan caasimadda Addis-ababa. Wuxuu macallin jaamacadded (University Lecture) kasoo noqdey jaamacaddaha kuyaal waddanka Soomaalilaand. Eegga, wuxuu wadaa shahaadada degree-ga heerkeeda labaad ee Master-ta (MBA). Wuxuu inbadan ka qeyb qaatey horumarka bulshada Soomaaliyeed. Wixii talo iyo tusaale ah ba waxaad iigu soo diri kartaan cinwaanaddan hoose :

Facebook Account: Cabdixakiim-Tiyari

Email:Abdi.177@hotmail.com

Addis Ababa, Ethiopia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip