Waa Duni Cilmaani Utashoo, Aan Culimo Noolayne (. Cir Onkodey Gabay Cusub ) Haybe. Ahmed. Yusuf ( Samadoon )
June 26, 2017
Latest Headlines:   _

Waa Duni Cilmaani Utashoo, Aan Culimo Noolayne (. Cir Onkodey Gabay Cusub ) Haybe. Ahmed. Yusuf ( Samadoon )

0
Sunday March 26, 2017 - 15:51:36 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Duni Cilmaani Utashoo, Aan Culimo Noolayne (. Cir Onkodey Gabay Cusub ) Haybe. Ahmed. Yusuf ( Samadoon )

    Waa Duni Cilmaani Utashoo, Aan Culimo Noolayne (. Cir Onkodey Gabay Cusub ) Haybe. Ahmed. Yusuf ( Samadoon )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Duni Cilmaani Utashoo, Aan Culimo Noolayne (. Cir Onkodey Gabay Cusub ) Haybe. Ahmed. Yusuf ( Samadoon )


 

Abwaan Haybe Axmed Yuusuf oo ka mid ah Abwaanida Soomaalida ee ku nool cariga dalka Maraykanka, ayaa curiyey Gabay dhamaan koobsanaaya dhinacyo badan oo ay ka mid tahay Siyaasiyiinta maanta ee Somaliland ama soomalida, nolosha, abaaraha ba’an ee ku habsaday shacabka iyo dhulkii Soomaalidu deigi-jirtay oo dhan iyo qaybo badan oo ka mid ah nolosha bini’aadamka ee ku nool uunka.

Abwaan Haybe Axmed oo Gabaygan uu tiriyey ama uu curiyey Abwaanka waxa ka keenay siday nolosha aduunyadu tahay maanta oo aanu idinku soo gudbinayno qoraalka Gabayga Abwaanka.

Gabaygan oo abwaanku muuqaalka ahaan ku duubayna maalmaha fooda inagu soo haya ayaanu idinku soo gudbin doonaa:-"

WAA DUNI CILMAANIGU TASHOO,

AAN CULIMO

NOOLAYN,

CIR ONKODEY,

Casar galaba waayeel cabiray,
caadil garansiiyey,

Caadeytey waayaha xiliga,
kuna cirooloobey,

Codkarnimo karaamada tashiga,
Lagula soo ciiro,

Caabuda raxmaankii carshiga,
lagu ciseynaayo

Caku nabada geed loogu xidho,
xumana ceebaysta

&&&&&&&&&&&&&&&&

Col dareeray duulaan cuskaday,
beelo kala caagey

Casar weerar maadhiin rasaas,
caasha loo geliye

Caaradhuub isdhaaftiyo warmaha,
curado naafooba

Culus geel horweyn lala cajebey,
cuud lakala qaaday

Caku geesigaan caajisayn,
calanku raacdeeye

&&&&&&&&&&&&&

Cir onkodey daruuraha culculus,
caadad sare keenay

Fad camiran cadceed galabsatiyo,
Sagalo cayn cayna

Waqal ciiray cayn iyo nugaal,
celiyey guulaamo

Caara hooray jeegaan casuus,
curasho miisaanle

Casar da’ay cishaa’ga ilaa,
subax la ciidaayo

Carfigiyo udgoon saxansaxada,
culay sidoodiiya

Calcalyada xareedoo jidhaan,
Rahu cabaadaayo

Cosobkiyo dareemada baxdiyo,
cadayga laalaada

Cambarkiyo tigaadiyo nimcada,
lagu caweynaayo

Caku midhaha ciir ciirayiyo,
coboshu waa dooge

&&&&&&&&&&&&&&

Caashaqa haween aadanbaa,
Lagu ciseeyaaye

Inkastoo calaantiisa bidix,
Caaro laga jeexay

Cishqi xaawa waatuu ugalay,
Calafna waakiiye

Cantar kaad ogaydiyo Cablana,
Wuula caaridaye

Caadaa sareysuu lakoray,
Layla iyo Qayse

Cilmi boodharaad garanaysaan,
Caataduu badaye

Caku hodana caawimo masiin,
Ciila waa dilaye

&&&&&&&&&&&&&

Cisi gabay carabeybaa yiqiin,
Calina noosheegye

Codkii fadal cismaan aadan dibi,
Curashadii qaaje

Cartan ciise demesh iyo haljeer,
Caaqill iyo daalin

Codkarkii gamuutiyo xaleef,
Cugasho gaagaale

Cabdale xasaniyo Faarax nuur,
Caamir iyo aadan

Cilmi iyo ismaaciil miriyo,
Caynab iyo muuse

Cali Jaamac haabiil murtihda,
Waaku caan baxaye

Casrigii qamaan iyo gahayr,
Ceeb kamay tegine

Cara edegna waalaga yiqiin,
Cali suldaan kiiye

Caku ganey hadraawi iyo qays,
Caajis may geline

&&&&&&&&&&&&&&

Cilmi diina curadkaad bartaa,
Waadka cugataaye

Cabashada tixdaydaa hadaan,
Caynka ka higaadsho

Suugaan casilanbaan arkiyo,
Ceebo soo baxaye

Cambaar mariye maansooyinkii,
Caan ahaan jiraye

Canbus gabaya heesaha casilan,
Caydan Iyo boobka

Caku Dhaantadii reermiyiga,
Dhuugi caashaqe’e

&&&&&&&&&&&&&&&

Caadeystayaal baa murtida,
Sii camaalaqaye

Camaajoole waayahan cadilan,
Sii caqabadeeya

Cafi malaha ruuxaan ciseyn,
Cawrada haweene

Curad maahe waa ugub tanaan,
Caawa leeyahaye

Cabdi goodna waasii cakiran,
Xaalad ceeb badane

&&&&&&&&&&&&&&&&

Waa duni cilmaanigu tashoon,
Culimo noolayne

Waa duni carowdoo wakhtigu,
Ciilayoo dilaye
Waa duni carceertoo mar hore,
Cawda loo jaraye
Intase aan calaamada wakhtigu,
Caasha ina saarin

Cantar Iyo tijaaliyo intaan,
Cadowyadii muuqan

Amaan ciise soolaabanee,
Ciirradu is goynin

Cimrigayga hadhay maan bulshooy,
Camal San raacdeeyo

Cama iyo watiin iyo waleyn,
Cududa maan saaro

Cilmi eebe maan raadsadoo,
Caabudaad badiyo

Camal suuban diintiyo sunaha,
Maanu culo laabta

Wabilaahi tawfiiq,
Haybe ahmed yusuf,
Decenper 2014



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip