Ayaan Darada Haysata Gobolka Togdheer.
October 17, 2017
Latest Headlines:   _

Ayaan Darada Haysata Gobolka Togdheer.

0
Friday March 24, 2017 - 16:39:20 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayaan Darada Haysata Gobolka Togdheer.

    Ayaan Darada Haysata Gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayaan Darada Haysata Gobolka Togdheer.
Waxa aad la socotaan in afartii madaxweyne ee so maray somaliland ay sadex kamida ahaayen reer

burco , burco wa gobolkii lagaga dhawaaqay gooni isu taaga somaliland 18 may 1991 madaxweynihi

kowaad ee somaliland yeelato oo ahaa cabdiraxman axmed cali ( cabdiraxman tuur ) oo ahaa

madaxweyne mudo labo sano ah, iyo madaxweyne hii labaad oo ahaa maxamed xaaji ibraahim cigaal

 

oo ahaa isna reer burco waxa u ahaa madaxweynihii ugu saamaynta weyna ee so mara dalka. Iyada

oo uu hadana yahay madaxweyne axmed maxamed maxamud ( siilaanyo ) isna yahay reer burco

ayaa hadan Gobolkan Togdheer aanu nasiib u helin in ay wax waxtar leh oo muuqda aanay oga tagin

hagardaamo mooyaanee.

Burco waxa lagu sheegaa in ay tahay caasimada labaad ee somaliland ,sidaas ay tahay na marna ma

ay helin xaqii ay lahayd, waxa kale oo ka so jeeda gobolkan mujaahidiintii ugu cadcadaa SNM , waxa

kale oo ka so jeeda siyaasiyiinta iyo salaadiinta ugu caansanaa abid ay somaliland yeelato.

Waxa kale oo ka so jeeda taajiriinta ugu waaweyn dalka , iyada oo waxaas oo saamayna leh hadana

wax ay Kala kulanto oo horumara ama waxqabad muuqda ah midna kalama aysan kulmin bulshada

ku dhaqan gobolkani.

Hadaba burco ma laha airport shaqeeya , mana laha garoon dawladeed oo roog ah, waxa taas sii

dheer in aysan wali dawladu samayn maamul daadajin ay yeelato burco, iyada oo dayac weyn ka

muuqdo dhismayaasha wasaradda oo ay Wali wasaaraduhu ku jiraan dhismayaashii dawladii hore ee

somaliya , halka ay hargaysi dhisatay dhismayaal casriya oo dabaqyo ah, sidaaas ay tahayna hadana

waxa ay reer hargaysa markasta ku so celceliyaan in ay beesha burco degtaa dalkii boobtay wax ay

boobtay oo muuqdana lama arag wali waayo way ka muuqan lahayd bulshada dhexdeeda .

Iyadoo aanay magaalada burco lahayn meel ay dhalinyarada iyo aqoonyahanku isugu yimaadaan oo

ka doodaan sida hall free ah Kuna so ban dhigan buugta ay qoraan iyo hibooyinkooda alle siiyey

tusaale ahan halka guriga shaqaalaha ee hargaysa.

Waxa taa sii dheer sanadkasta waxa ku gubta burco dhismayaal iyo xarumo ganacsi oo dadweynuhu

leeyihiin , oo wax bakhtiiya la waayo oo halka ku shuf beela , halka ay hargaysi ka leedahay waxa

aynu dabdamis aragnay. Ku darsoo burco waa meesha kaliya ee mucaarad iyo muxaafad isku

laayaan Kuna tartamaan.

Waxa intaa sii dheer in ubaxii iyo kacaankii gobolkani lahaa ay ka haajireen oo badaha ay ku

madheen, waxana ugu danbaysay doontii lagu duqeeyey dalka Yemen oo ay ku nafwaayeen

dhalinyaro badan oo reer burco ah, sanadkasta burco waxa ka taagan murugo iyo baroor diiq lagu

hayo xaafad kasta, arkina maysid Cid masuula am siyaasiya oo ka hadlaya arrinkaa io masiibada ku

habsatay gobolkan. Sababtuna waxa weeye iyada oo aanay magaalada burco lahayn wax ku dhiiri

galiya dhalinyarada inay ku Nagaaadaan labo cisho iyo wax ka badan magaalada waayo qof

dhalinyaro ah ka heli maayo meel uu hibadiisa ama xirfadiisa ku so bandhigo hadu yahay

aqoonyahan, sports, fanaan,

Sidaas ay tahay burco shaqaalaha dawladda ee jooga iyana waxa haysata dulmi , dulmigaas oo ah in

mushaarka helaan saddexdii bilood mar halka ay hargaysi ka qaadato bisha oo dhamaan, marka aad

waxaas oo dhan u fiirsato miyaan la odhan karayn burco ayaa ugu Ayaan daran gobolada somaliland

, iyado ay hargaysana waliba suuqa gashatay in ay beesha burco degtaa ay dalka ka dhiigaysatay.

Waxa taas sheer in burco dhalinyaradii wax u so baratay markii ay ku so noqdeen gobolkoodii aanay

helin wax fursado ah oo la sheegi karo halkay ay hargaysi dhalinyaradeedii meelaysay, hargaysa ku

canaanan maayo arrinka waayo wa sidii la rabay laakiin burco madaxdeedii wax ay u qabatay iyo

wax qorshe ah oo oga yaala arrinkaas ma jirto aan ahayn noo codeeya.

Waxa ay dadka reer burco ku maahmaahaan in ay magaalada burco tahay ( ninkeed dila) lakiin waa

maahmaah khaldan qofkasta oo burco ka faaida ama siyaasi ha ahaato ama ganacsade waxa uu u

cararaa markiiba magaalada hargaysa oo ay halkaa ka so caayaan , waxa kale oo intaa dheer in qurbo

joogtii gobolkan ka so jeeday ay Maal gashadeen magaalada hargaysa oo ay ilaabeen gobolkii ay ka

so jeedeen, waxaas oo dhan marka aynu eegno miyay Naan odhan karin burco waa Ayaan daran.

Hadaba waxa magaalada la filaya dhowrkan cisho ee so socda in uu yimaado madaxweyne axmed

maxamed maxamud ( siilaanyo ) oo imaatinkisa sualo badan la iska weydiinayo suaalahaas oo ay ka

mid yihiin

1: ma kaambayn uu muuse biixi la kaambayn garaynayaa ?

2: ma iska socodkii uu awalba iskaga iman jiraagobolada barigaa?

3: iyadoo ay aragtiyada qaar leeyihin waxa uu ku saabsanyahy socdaalkan madaxweynuhu waa in uu

u afduubo qabiilkiisa muuse biixi, se ma yeeli doonan dadka dega bariga burco arrinkaas?

Bal wuxu noqdaba safarka waa la eegi doona laakiin maxa la gudboon dadka dega magaalada burco

anigu waxa aan so jeedin lahaa in lagaga hortago oo lagu so dhaweeyo mudahaaraad aan horey loo

arag si loo tuso shucuurta dhabta ah ee dadweynaha, anigu dawlada kulmiye oo qudha uma jeedo,

ee waxa kale oo iyana la mida mucaaradka dalka ka jira, reer burco talo ayaa u taala waayo wax rajo

ah oo ka soo naaso cad ma jiraan dawlad iyo mucaaridba .

Waxa kale oo sayid kii laga hayey reer burco ninka ay ugu hadalhaynta badanyihiin ama ugu

maagmada badanyihiin waa ninka ugu qaalisan ee kaa ka dila, markaa burco ninkeeda raggana iyada

la hadha oo disha dadkana ka reebta, waxa kuu cadaynaysay in reer hargaysa kooda faruuran ay u

bixiyeen fanax, taas waxa ay ku cadaynaysa in ay xitaa kooda liita amaanaan halka ay burco reebto

halyeygeeda .

Waa Qalinkii diini umal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip