Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland
June 23, 2017
Latest Headlines:   _

Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland

0
Friday March 24, 2017 - 16:39:20 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland

    Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland.
Ilaahay baa mahad leh, waxaan halkan duco iyo salaamad ugu dirayaa Gudiga Abaaraha Qaranka ee Culimada u badan iyo hawlwadeenada u jooga gobolada iyo degmooyinka abaartu haleeshay iyo sidoo kale dhamaanba doorkii xukuumada, xisbiyada qaranka iyo bulshadeenuba ay ka geysteen gurmadka dadkeena abaartu haleeshay ilaa hada.
Waxan leeyahay yaan la niyad jabin, dadku haysa saamaxo, baryada Ilaahayna yaan laga daalin SWT, isagaa inoo gargaariye.
Hadaba inagoo xiligan iyo marwalba ka dhursagayna naxariista iyo raxmaadka Eebe, ayaa hadana waxa loo baahan yahay in la sii quweeyo juhdiga iyo dadaalka hawlihii samafalka ee la waday si loo badbaadiyo nolosha dadkeena maadaama weli aynu ku guda jiro waqti adag oo hadal iyo tilmaan toona aan lagu soo koobi karin.
Waxaynu kaloo dhamaanteen ka warqabnaa abaarta dhaharatay iyo xaalada murugada leh ee haysata gobolada bariga Somaliland oo gaadhay heerkii ugu darnaa iyadoo 80% ay meesha ka baxeen lafdhabartii nolosha bulshada ku tiirsanayd.
Qormadan waxan ku soo bandhigayaa dhawr qodob oo ay ka mid yihiin aragtidayda ku wajahan qaabka loo soo waday hawlaha samafalka gurmadka abaarta iyo waxyaabaha ka dhiman ee loo baahan yahay si loo samata bixiyo maatada ay xoolihii ka dhamaadeen hada wixii ka danbeeya. Sidoo kale waxan jeclahay in bulshadeena iyo dhalinyarteenaba la dareensiiyo macnaha abaarta si ay cilmiyan ugu ogaadaan in abaartu tahay masiibo halis ku ah nolosheena miyi iyo magaalaba, loona baahan yahay in laysu kaashado oo aan la dhayalsan iyo ugu danbayntii talo ku socota saxafiiyiinta tebiya wararka abaarta iyo hayadaha caalamiga ahba
Xaalada Hawlaha Gurmadka Abaarta:
1. in xaalada gargaarka binu aadanimo ee Somaliland dibu eegis lagu sameeyo, iyadoo aan la hakinayn hawlaha gargaarka hadiiba ay socdaan, si loo fahmo siday u wax uga fuleen qorshayaashii hore iyo iswaafajinta ku talaglayadii iyo natiijada ka soo baxday waxqabadyadii fulay
2. in xukuumadu ay si degdeg ah u samayso Gudiga Qiimaynta Abaaraha (Drought Hazard Assessment & Mapping Committee) oo si dhaqsa ah u derista mushkiladaha abaarta, saamaynta ay ku yeelatay xoola dhaqatada, magaaloyinka, duunyada kala duwan iyo meelaha ugu daran ee muhiimada la saarayo, waxaana qorshahaas samayntiisu kaabi doonaa gudiga abaaraha oo raacaya nidaamka la jeexay, runtiina waa casharo u baahan in laga barto hawlgaladii hore ee gudigu fulisay, arintan oo marka horeba ahayd masuuliyad ka tafweyn Gudiga Abaaraha Qaranka, ayaa xukuumadda laga rabay in ay boodhka ka jafto hayadii ka hortaga masiiboyinka dabiiciga ah (NERAD) ama ay hawl geliso xubno aqoonyahan ah oo ka kooban bulshada rayidka ah, xukuumada iyo hayadaha samafalka caalamiga , waxaadna moodaa in gudiga abaaraha oo ahaa duruufi keentay aan hore u jirin ay durbadiiba bilaabeen hawlgal bilaa qorshe ah, taasna cakiskeeda ay soo baxeen cabashooyin tiro beel ah oo ka soo yeedhaya degaanada abaartu ka jirto iyo kuwa iska ladanba, xaalado is tuhun iyo caano jiilaal canba can u filay.
Fahamka Abaarta & Saamaynta :
Abaartu waxay inoo saamaysay sadex weji oo kala ah dhaqaale ahaan, degaan ahaan iyo Bulsho ahaan:
1. Saamaynta dhaqaale: Habnololeedkoodka dadka reer Somaliland wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool, waxaana dawladu kharashka ugu badan ay ka heli jirtey cashuurta xoolaha, waxaynu odhan karaa bulshada Soomaliyeed guud ahaan 100%, waxay noloshoodu toos ugu xidhan tahay xoolaha nool. Sidaa darteed lafjab dhaqaale oo weyn ayaa ina soo gaadhay shaqsi ahaan iyo bulsho ahaanba kaasoo laga dareemayo suuqyada iyadoo xoolaha dhamaaday ay qayb muhiima ka yihiin xaalada sicir bararka iyo kor u kaca ku yimi sarifka lacagta dollarka.
2. Saamaynta Degaan: Abaartu sidoo kale degaankeena siyaabo kala duwan ayay u saamaysay. Dhirta iyo xayawaankuba waxay ku tiirsan yihiin biyaha sida dadka oo kale. Markii abaartii dhacday, waxaa dhibaato soo gaadhay Ilihii ay ka heli jireen cuntada iyo weliba degaankii ay ku noolaayeenba , hadii dhirta iyo makhluuqa ku nool degaanka la waayona, ma jiri karto nolosheenu waayo way isku xidhan yihiin (bio-diversity ). Saamaynta abaarta ku yeelatay degaankeena waxaa kaloo ka mid noqon kara in la waayo kaluunka iyo nimcoolayda ku uuman badda ilaahay inaguma keenee, yaase ka warhaya iyo weliba biyo la’aan dhulka biyo laga waayo.
3. Saamaynta Bulsho: Saamaynta abaarta ee bulsho waa hababka abaartu ugu lugyeelato caafimaadka bulshada maskax ahaan iyo jidh ahaanba (waxaana soomaalidu hal hays u lahaayeen cudur iyo abaari way wada socdaan) iyo dhanka amaanka inkastoo falal amni daro aan la soo sheegin intii abaartu jirtay,. Dhimashada dadka ayay abaartani keentay sidoo kale barakacayaal xoolihii ka dhamaadeen oo ku soo xerooday tuulooyinka iyo magaaloyinka iyo saboolnimo baahsan
Warbaahinta & Hayadaha Samafalka
Wakaaladaha warbaahinta iyo saxafiyiinta ayaa door taban ku yeelan kara dhibaatada abaarta hadii ay buunbuuniyaan dhinaca kalena waxay ka ciyaari karaan door togan oo wax ka tara dhibaatada jirta.
Si kastaba ha ahaatee kaalinta warbaahintu ay ka qaadato noockasta oo ka mida dhibaatooyinka bulshada la soo dersa ayaan la dafiri karin.
Waxaan amaan u soo jeedinayaa saxaafiyiin tiro badan oo warbixino wax ku ool ah kasoo diyaariyey dhulka abaartu saamaysay. Hase yeeshee saxaafiga ama weriyaha ku hawlan tebinta wararka khuseeya masiibooyinka iyo xaaladaha kale ee saamaynta ku leh nolosha bulshada, waxaa looga baahan yahay inuu ka feejignado gudbinta wararka il-ka cabirka ah ama ku salaysan afkaarta shacbiga ah oo sii xumeeya dhibaatadii jirtey.
Xaalada noocan oo kale ah waxaa hayadaha warbaahinta iyo saxafiyiinta la gudboon in ay dadaal wada jir ah ku qaabilaan si loo xakameeyo caadifada shacbiga doonaya sedbursiimada iyo hunguriga keligii noolaadaha isla markaana ay dadka dareenkooda u jeediyaan dhanka aragtida fayow, waayo hadii warbaahintii wax khayr lehba sheegayn oo meelaha qaarkood ama dhul ay abaartu ku yar tahaya ay kasoo duubaan hadalo lagu xajiimaynayo dadka ku hawlahan samafalka ama xukuumada, waxaa dhici karta majara habow ku dhaca nidaamkii lagu waday barmaamijka gurmadka dadka tabaalaysan ee saxda ah, ilayn waataa meel walba laga qaylinayee.
Dhinaca kale weriyihu markuu diyaarinayo warbixin ku saabsan abaaraha, waa inaanu isku koobin oo keliya xaqiiqada uu arkay iyo dhibaatada haysata dadka uu booqday balse waa inuu ka waramaa sidoo kale hadii aanay jirin gurmad samafal oo laga wado degaankaas uu booqday. Waana in dawlada iyo hayadaha samafalkuba ay qaataan warbixintaas saxafigu kasoo diyaariyey goobtaa, kana hawlgalaan sidii degaankaas loo gaadhsiin lahaa gargaarka degdega ah.
Hayadaha Samafalka xiligan socda ay noloshii dadkuba khatar ku jirto, ee leh sahan baanu qaadaynaa abaareed, waa in la tuso qorshaha abaarta iyo khariirada meelaha gurmadka looga baahan yahay si ay uga qaybqaataan samafalka, hadii kalena weligoodba waxoodaa ha shubeen, waxaa loo baahan yahay in la waano qaato shuurada iyo tashigana la badsado.
Qalinkii Cabdiqaadir Axmed Xasan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip