Wasiru-Dawlaha Wasarada Maaliyada Oo Shir Dar-dar Galin Ah La Yeeshay Guddida Fulinta iyo Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye Uk.
November 19, 2017
Latest Headlines:   _

Wasiru-Dawlaha Wasarada Maaliyada Oo Shir Dar-dar Galin Ah La Yeeshay Guddida Fulinta iyo Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye Uk.

0
Monday March 20, 2017 - 13:38:44 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiru-Dawlaha Wasarada Maaliyada Oo Shir Dar-dar Galin Ah La Yeeshay Guddida Fulinta iyo Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye Uk.

    Wasiru-Dawlaha Wasarada Maaliyada Oo Shir Dar-dar Galin Ah La Yeeshay Guddida Fulinta iyo Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye Uk.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiru-Dawlaha Wasarada Maaliyada Oo Shir Dar-dar Galin Ah La Yeeshay Guddida Fulinta iyo Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye Uk.

Shir lagu dar dar galinayay hawlaha Xisbiga Kulmiye UK oo 18/3/16 oo ay ka so qayb galeen Wasiiru-dawlaha Wasarada Maliyada Muddane Yusuf Yucuboole, Musdanbeedka Xisbiga kulmiye UK iyo Gudddida Fulinta Xisbiga.

Shirkan oo lagu falaanqeeyay waxyaabaha xisbiga u qabsoomay, wax yaabaha u qorshaysan iyo u diyaar garrowga doorashayooyinka soo socda. Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye UK Xariir Xirsi Adar ayaa ugu horayn ku soo dhaweeyay wasiir Yusuf Yucublo iyo Oday farax Xasan Jagac o ka mid ha aasaasayasha xisbiga kulmiye lanta UK ahna Musdanbeeka Xisbiga oo mudo ku maqna Wadank hooyo, Gudomiyuhu waxa uu ugu waramay wasirka hawlaha xisbiga iyo qorsha yaasha dhaw iyo ka fogba.

Oday Farax Xasan Jagac ayaa ka waramay muhiimada ay lanta UK ugu fadhido Xisbiga kulmiye iyo waxa laga filayo , waxaa uu ku dheeraday sida loogu baahanayahay in UK is abaabusho oo kaalintii ay hore ugu jiri jirtay iyo mid ka sii fiicanba ay ka qqdato hawlaha xisbiga. Dhinaca kale Gudomiya Xigeena Musdanbeed Maxamed Cabdirahaman ayaa isgauna ka dheerada guubaada iyo waxaa looga fadhiya lanta Xisbga uk.

Ugu danbay Wasiir Yusuf Yucuboole ayaa warbixin baladhan oo dhincyo badan taabanaysa siiya gudida, hadii ay tahay dhinac Abaaraha, waxqabdaka Xukumada iyo Isabaabulka Xisbiga Kulmiye ee u diyaar garawga doorashada, wasiirka ayaa guddida uga mahad naqay hawlaha ay xisbiga u hayaan ee ay hadh iyo habeenba ku fooganyihiin iyo guulaha ay gaadheen. Waxaa uu kula dar daarmay in ay hawsha sii laba jibaaraha hadii aya tahay ka qayb qaadaasha abaarah, iyo taageerada Xisbiga ee waqita doorashad.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip