"Madaxtooyaddeennuna, Waa Muttulle Taagane,Wax kalaa na Maamula"Abwaan Maxamed Galaydh
March 24, 2017
Latest Headlines:   _

"Madaxtooyaddeennuna, Waa Muttulle Taagane,Wax kalaa na Maamula"Abwaan Maxamed Galaydh

0
Saturday March 18, 2017 - 16:03:44 in Maqaallo by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxtooyaddeennuna, Waa Muttulle Taagane,Wax kalaa na Maamula"Abwaan Maxamed Galaydh

    "Madaxtooyaddeennuna, Waa Muttulle Taagane,Wax kalaa na Maamula"Abwaan Maxamed Galaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxtooyaddeennuna, Waa Muttulle Taagane,Wax kalaa na Maamula"Abwaan Maxamed Galaydh

"Madaxtooyaddeennuna, Waa Muttulle Taagane,Wax kalaa na Maamula”Abwaan Maxamed Galaydh

Burco () Abwaan Maxamed C/laahi "Galaydh” oo kamid ah Abwaanada Qarniga gayigeena sida weyn loo qaderiyo, ayaa maanso qiimo badan ku karbaashay Xukuumadda KULMIYE ee gabalkeedii dhacay,taasi oo ah mid daba socota Silsilad ay dhawaan iba fureen oo ay nidaamka fashilmay xukuumadda ku karbaasheen Abwaanada Xasan Weedhsame iyo Cabdilaahi Xasan Ganay.

Abwaan Galaydh ayaa maansadii ku sheegay dhibaatada kala duwan ee ay xukumadda kulmiye ku hayso shacabka reer Somalilad, taxtaxaashka masuuliyiinta xukuumadda KULMIYE iyo tabaalada bulshada, waxaanu ku bilaabay Abwaanku Sidan:


Maansada "Millad "

Marka hore salaan guud,

Mudduciga bilaabiyo,

Ragga soo maleegee,

Caqligii magoolkiyo,

Manka faraqa laga rifay,

Nimankaa ma gaabshee,

Miiraabinaayoow,

Sharafbaa ka mudantiin,

Umaddaa matalaysaan.

Midna waan ku talin’laa,

Intay joogto maansadu.

Kuwo Maanka beeloo,

Midh-midh eraya qaatoo,

Laaluushka maaloo,

Dhiig-miirataabaa,

Suugaanta magiciyo,

Iska sheegta miiddee,

Yuu meesha soo galin,

Maan-gaabka liitaa,

Miimlayda yuu furin,

Nin masuul difaacaa.

Badhay dhuun u maqantaa,

Isa soo maqiiqine,

U maldaha naftiisiyo,

Sida midigta loo jaray,

Mawjadaha cadaabtiyo,

Uga diga maxaadhada,

Maamuuska dhaqankiyo,

Maah-maahna ugu dara.

Maandhoow!araartaa,

Waxba yaan ku maahine,

Aan miladda dhaartaa,

Ugu furo markhaatiga.

Dalku waa mashruucoo,

Maxastiyo agoontaa,

Laga wada macaashaa.

Mini reer ka taliyiyo,

Waa meherad goonniya.

Dulmi moorsanbaa yaal,

Cirku waa min-guuroo,

Lama arag maluugtii,

Waxay milisho ciidduna,

Madawbaa kasoo baxay.

Maydhadiyo ugbaadkiyo,

Manfacooda xoolaha,

Maqalkooda mooyee,

Dhulka waa ka maageen,

Muslimiin dar neceboo,

Maryaheenna dhaqankiyo,

Muuqaalka nala simman,

Oo munaafaqqiinaa,

Madaxdeenna loo xulay.

Dalka waa murdinayaan,

Intay miliqsadaanbay,

Boqolaal miskiin iyo,

Illaa maatidoodii,

Macno laan ku xidhayaan.

Marduufkooda qaadkiyo,

Kolaygay matalayaan,

Milicdiyo abaartiyo,

Macaluusha joogtana,

Madaxay ka duubtaan.

maaq-maaq ma diiree,

Illay waa maraamiin,

Soo wada muqloobee,

Umaddoo madhanaysay,

Mushxarada ku laayaan.

Sharcigeennu waa mood,

Ganacsade maroorsaday,

Madaxtooyaddeennuna,

Waa muttulle taagane,

Wax kalaa na maamula.

Milgihii dadnimadu,

Mansabkii maxaa dilay?

Maska guriga noo galay,

Maasaara xiiriyo,

Mal-mal maa u qaaddaan?

Mulucaa koraayee,

Sunta malawgu siiyana,

Mu’min waa bireeyee,

Inta aad mukhaysaan,

Maa madhax u diiddaan?

Malabkiyo macaankaa,

Deebaaqda lagu milay,

Inta aad ka miirtaan,

Maa damal madiixiyo,

Miyigii la aaddaan?

Hiddihiyo maslaxaddii,

Lagu dhaqayay maan-deeq,

Mulkidii la wada helay,

Nimankaa maqaarsady,

Muduc maa ku aastaan?

Mugdi weeye noloshaa,

Aynu joogno maantee,

Hadmay miirsan doonaan?

Shacabkaa la mirayee,

Murugada la jiifaa.

Midabkii islaamkiyo,

Mabda’eenna diimeed,

Goormaa la marinoo?

Muranada qabiilkiyo,

Maaweelo laga tagin.

Waxaann muunaddaydiyo,

Mucda jiifto kaga baxay,

Moodhaadh dadkaygoow,

Maytidaa na dhaantee,

Midnimada halloo kaco




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip