Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Iyo Qisada Ay Ku Aroorto Heestiisa Caanka Ah Ee "Ilaahii joogay baa jira!"
May 26, 2017
Latest Headlines:   _

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Iyo Qisada Ay Ku Aroorto Heestiisa Caanka Ah Ee "Ilaahii joogay baa jira!"

0
Saturday March 18, 2017 - 16:03:44 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Iyo Qisada Ay Ku Aroorto Heestiisa Caanka Ah Ee "Ilaahii joogay baa jira!"

    Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Iyo Qisada Ay Ku Aroorto Heestiisa Caanka Ah Ee "Ilaahii joogay baa jira!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Iyo Qisada Ay Ku Aroorto Heestiisa Caanka Ah Ee "Ilaahii joogay baa jira!"

"Allelehe sidii jagi, Dhalinni-sku jiidheen, Wacadkeennii jeexnaa, Aduunbaa ku joogsaday, Waxba se jeerba yaan hiban, Jirrabkanaad i marisaye, Ilaahii joogay baa jira”


Heestan waxa hal-abuuray Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. Iyada ooh al beyd ah ayay ku jirtay Riwaayaddii "Laaca aragtaye, Laagga Ma og-tahay?” Mar dambe oo ay ahayd 1977-kii ayaa Maxamed Mooge ka codsaday Abwaanka inuu qabyo-tiro heestan. Waxay ku jihaysnayd jacaylkii riiqda dheeraa ee inta muddada ah uu Abwaan Axmed Saleebaan u qabay gabadha uu maanta qabo! Laxanka waxa ku ragcay Maxamed Mooge, waxaanay tidhi:

Jooflaha libaaxiyo,

Jaan-dheerta doobkiyo,

Waayeelka jaqafsada,

Jirridaha habeenkii,

Wixii jiidha waagaa,

Jeennigu xanuunaa,

Alleylehe jacaylkii,

Jid iyo ceel umaad bixin,

Anigana ka joog iyo,

Ha ku jabin imaad odhan,

Waxba se jeerba yaan hiban,

Jirrabkan aad i marisaye,

Ilaahii joogey baa jira,

Allihii joogay baa jira,

Wadiiqada jirjiirsani,

Jid san bay ku geysaa,

Ama jar iyo buur dheer,

Khalqigana badh baa jira,

Intay ku hor jaflaystaan,

Waaqla’ kugu jarwiciyee,

Allelehe sidii jagi,

Dhalinni-sku jiidheen,

Wacadkeennii jeexnaa,

Aduunbaa ku joogsaday,

Waxba se jeerba yaan hiban,

Jirrabkanaad i marisaye,

Ilaahii joogay baa jira,

Allihii joogey baa jira,

Ifka waxaad la joogtaa,

Jannaduu ku geeyaa,

Ama naarta Jahannama,

Jacaylkuna sidoo kale,

Nimcuu kuu jiheeyaa,

Ama laamo kula jaba,

Anna jamashadaydii,

Iyo jololo’daadii,

Sida rimayda jiilaal,

Iyo ceelka Jiiliya,

Jalwis baan ka qaadee

Waxba se jeerba yaan hiban,

Jiraabkanaad i marisaye,

Ilaahii joogay baa jira,

Allihii joogey baa jira,

W/Q: Mustafe Sheekh Cumar

Weedhsan Corporation




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip