Qormo Ka Hadlaysa Ribada.
March 29, 2017
Latest Headlines:   _

Qormo Ka Hadlaysa Ribada.

0
Saturday March 18, 2017 - 16:03:44 in Maqaallo by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo Ka Hadlaysa Ribada.

    Qormo Ka Hadlaysa Ribada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormo Ka Hadlaysa Ribada.

Dulsaarka Daynta iyo Dheefta iibka Ee Baananka

 

In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalatey xeerka Baananka Ribada ku macaamila ee baarlamaanka Somaliland ka doodayo ajandihiisa.
Arrintan baa dood dheer ka dhex curisay golaha sharci dejinta Soomaliland, unugyada aqoon yahanka ee dhaqaale yahanka ah, culimada shareecada iyo bulsho weynta guud ahaanba. Mugdi weyn ayaa ka abuurmay macaamilka baananka Islaamiga ah, Baananka Ribada ku ganacsada iyo waxa ay ku kala soocan yihiin. Waxa isku gedmaday oo la kala fahmi la’yahay Ribada iyo Muraabaxada (kala macaashka) oo dirkuba iika ka tirsan yihiin.
Waxa tuhun weyn dusha loo saaray culimada shareecada oo iyagu ka soo hor jeestay baananka Ribada, waxaana loo sibir saaray in ay hiil gaar ah ama difaac ay maslaxadi ugu jirto iyaga oo toos ah la garab istaageen baananka islaamiga. Aqoon yahan badan oo dhaqaalah bare ka ah , waxana ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa iyaguna ku jiho wareeray fahamka iyo kala sooca macaamilka labadan jaad ee baananku ku adeegaan. sidoo kale bulsho weynta la macaamisha baananka islaamiga ah ayaa tashuush , caad iyo xayaabo ka fuushay macaamilkooda ganacsi ee ay la wadaagi jireen baanankaas.

Haddaba si aan u kala furdaamino arrimahan isku murgay, si aynu jid ugu buxino is-diidooyinka kakan ee ay ku mergadeen in badan oo mujtamca ka mid ah , si ay dab-qulaalis ugu noqoto xubnaha xildhibeenada baarlamaanka Somaliland oo miidadowsanaya sawir iska gedmaday oo uga hummaagay labadan nooc ee baananka.
waxa aan qalinka u qaatay in aan hawraartayda ka geysto xaajadan gudaha weyn. ma ihi Fiqi culuunta shareecada tahan fog ka gaadhay, ee waxaan ahay dhaqaale yahan cilmiga ganacsiga bartay oo barena ku ah, kuna sar goostey dhaqankiisa, dhaqaalihiisa, diintiisa iyo waayaha uu ku nool yahay miisaanka shareecadda.
Qormadan taxanaha noqon doontawa waxaan si waafi ah ugu lafo guri doonaa Iibka guud , anigoo ku dhisaya qaacidooyika madhabka Shaafici, iyo aragtiyaha ama falsafadaha ganacsiga. Iibka ; waa eray ka kooban laba waaxood iib+ka oo ah magac iyo qodob, waxaanu leeyahay dhadhan macne oo qofka afka soomaaligu u ibo baxsan yahay u sameeynaya faham diir la’ oo cad. Iibku waa dhaqan iyo macaamil u dhexeeya aadamaha oo dhan , mase aha mid u dhexeeya Allaah iyo aadamiga.

La soco……….
Bare sare . Axmed Muuse Ismaaciil




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip