Somaliland Ma Kelideed Ayaa Adduunka Ka Islaam Ah? 47 Waddan Oo Muslim Ah Ayey Ka Jiraan Bangiyada Aan Islaamka Ahayni.W/Q. Mohamed Hagi.
September 25, 2017
Latest Headlines:   _

Somaliland Ma Kelideed Ayaa Adduunka Ka Islaam Ah? 47 Waddan Oo Muslim Ah Ayey Ka Jiraan Bangiyada Aan Islaamka Ahayni.W/Q. Mohamed Hagi.

0
Sunday March 12, 2017 - 12:35:22 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Ma Kelideed Ayaa Adduunka Ka Islaam Ah? 47 Waddan Oo Muslim Ah Ayey Ka Jiraan Bangiyada Aan Islaamka Ahayni.W/Q. Mohamed Hagi.

    Somaliland Ma Kelideed Ayaa Adduunka Ka Islaam Ah? 47 Waddan Oo Muslim Ah Ayey Ka Jiraan Bangiyada Aan Islaamka Ahayni.W/Q. Mohamed Hagi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Ma Kelideed Ayaa Adduunka Ka Islaam Ah? 47 Waddan Oo Muslim Ah Ayey Ka Jiraan Bangiyada Aan Islaamka Ahayni.W/Q. Mohamed Hagi.

SOMALILAND WAXA AY DIYAAR U TAHAY IN AY U NOOLAATO SIDA DALALKA MUSLIMIINTA AH EE LA MIDKA AHI U NOOL YIHIIN SHEEKH.

WAHAABBIYADAN INNA GU YUURURSATAY, SHACABKII SILCISAY EE 20% MACAASHKA AH KA RABTA DAYN QAATAHA , WAXA AAN LEENAHAY MASAR, PAKISTAN IYO SUCUUDIGA FADWADA DALALKOODA AY UGU FASAXEEN CONVENTIONAL BANKS AYAANU QAADANEYNAA.

Tirada dadkeenu waa 4 milyan keliya, adduunyadana waxa inna gu la nool maanta 7.49 bilyan qof, in ka badan 240 waddan ayaaney ku dhaqan yihiin. Ma nihin dal la aqoonsan yahay oo gargaarka dunida si weyn uga fara-qabsan kara.

Waxa se aynnu rabnaa fursad kasta oo kale oo innoo furanta in aynnu ka faa’ideyno. Arrintaasi si ay u suura-gasho waa in dawladnimadeenu u carbisanto si la mid ah duwalka kale ee adduunku inna gu la nool.

Somaliland waxa ay u baahan tahay in ay dunida la macaamisho intii ay ka gaadhi karto, si ay u noolaato. Macaamilka ugu horreeyaa waxa uu ka bilaabmayaa habka iyo hannaanka bangiyada.

Dal ahaan waa in aynnu noqonno mid leh habka bangiyada ee loo yaqaan ”mixed banking system”. Waxa aynnu u baahannahay in ay dalkeena ka sameysmaan bangiyo gaar loo leeyahay ciddii doontaa ha yeelato eh (private banks). Kuwaas oo ka shaqeeya ganacsiga iyo maalgashiga maxalliga ah.


Sidoo kale waxa aynnu u baahannahay bangiyo shisheeye (foreign commerce and investment banks) in dalka loo gu yeedho, si ay innoo gu suura gasho in aynnu ka faa’ideysanno khayraadka dhulka hoostiisa ku jira. Ogow in bangiyadan la’aantood aannad la macaamilli karin dunida.

Dadka ku dacwiyaya waxa aynnu nahay dal Islaam ah, ee iyaga oo 17% – 20% in ka badan saara shacabka masaakiinta ah, isla markaana dalka dhaqaalihiisii iyo horumarkiisiiba lugaha ka xidhay haddana raba in ay dhiiga dadka ka sii jaqaan, hal dood ayeynu kala hor tageynaa.

Dooddeenu waxa ay leedahay; Sucuudiga, Masaarida iyo Bakistaanida idin soo dirtay, si aad dhuunta uga fadhiisataan dadkiina maxay iyagu u fasaxeen ee dalkoodu u ogolaaday bangiyada dulsaarka ku shaqeeya?

Jawaab heli maayaan inta ay arrintaa ku mashquulsan yihiin e, si ay Somaliland dalalka muslimiinta ah sidooda ugu noolaato oo ay dabarka dhiig-miiratada isaga furfurto xeerkeena innoo ansixiya ayaan leeyahay wakiillada.

Mohamed Hagi Mohamoud




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip