Khilaaf Xooggan Oo Baryahan Danbe Hadheeyey Maamulka Sare Ee Jaamacadda Al-najaax Ee Burco Oo Sababay Is-casilaadda Guddoomiye Ku-xigeenkii Jaamacaddaas.
September 25, 2017
Latest Headlines:   _

Khilaaf Xooggan Oo Baryahan Danbe Hadheeyey Maamulka Sare Ee Jaamacadda Al-najaax Ee Burco Oo Sababay Is-casilaadda Guddoomiye Ku-xigeenkii Jaamacaddaas.

0
Thursday March 09, 2017 - 20:20:44 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Xooggan Oo Baryahan Danbe Hadheeyey Maamulka Sare Ee Jaamacadda Al-najaax Ee Burco Oo Sababay Is-casilaadda Guddoomiye Ku-xigeenkii Jaamacaddaas.

    Khilaaf Xooggan Oo Baryahan Danbe Hadheeyey Maamulka Sare Ee Jaamacadda Al-najaax Ee Burco Oo Sababay Is-casilaadda Guddoomiye Ku-xigeenkii Jaamacaddaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Xooggan Oo Baryahan Danbe Hadheeyey Maamulka Sare Ee Jaamacadda Al-najaax Ee Burco Oo Sababay Is-casilaadda Guddoomiye Ku-xigeenkii Jaamacaddaas.

Waxa beryahanba isa soo tarayay khilaaf xoogle oo ka dhex aloosan maamulka sare ee jaamacadda dhawaan-abuurka ah ee al-najaax , waxa maalintii Sabtida ahayd ee taariikhdu ahayd 4 march 2017 kulan aan caadi ahayn oo uu isugu yeedhay maamulka jaamacadda , macallimiinta , iyo dhammaan hawl-wadeennada jaamacadda al-najaax guddoomiye ku-xigeenkii hore ee jaamacadda al-najaax dr xassan sh cali warsame waxa uu cod-dheer ku shaaciyey inuu iska casilay Xilkii gudoomiye ku xigeen ee uu u hayay Jaamacada, isaga oo ku sababeeyey is-casilaaddiisa kalsooni-darro wada-shaqeyn la’aaneed oo uu kala kulmay saaxiibkii guddoomiyaha jaamacadda al-najaax dr faysal maxamed cali. Markii uu warkani soo baxay waxa uu ka abuuray gudaha jaamacadda jawi kala-guur , xaalad aan degenayn iyo kala qaybsanaan dhex timi shere-layda , maamulka , macallimiinta iyo hawl-wadeennada jaamacadda , waxa bilaabmay kooxaysi ay ku kala qaybsameen maamulkii jaamacadda ugu sarreeyey , waxa muranka xoogga lihi ka dhex abuurmay kooxda uu hor-boodayo guddoomiyaha jaamacadda dr faysal iyo guddoomiyaha boodhka jaamacadda sh C/laahi Baashe iyo kooxda kale uu iyadu u muuqata mid tamar daran oo cadho la huleeshay oo uu hormuud u yahay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee jaamacadda Dr Xassan sh,Cali. Kooxdan hore ee uu gadh-wadeenka ka yahay guddoomiyaha jaamacaddu ee iyadu wali ku hadhay maamulka jaamacadda waxa hore loogu eedeeyey takri-fal awoodeed oo ay ku sameeyeen maamulkii jaamacadda , waxay hore uga caydhiyeen jaamacadda aasaasayaal , macallimiin , hawl-wadeenno iyo aqoon-yahanno jaamacadda laf-dhabar u ahaa isla markaana ay muuqatay kaalinta xoogga badan ee ay jaamacadda kaga jiraan , waxay safarro aan caadi ahayn isla markaana uu ku baxay kharash badan oo jaamacadda kiro ku-jirka ah wax ka tari lahayd ay ugu kicitameen dalal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Saudi Arabia , Malayzia , Kenya , Uganda , Sauth Africa iyo dalal kale. Guddoonka jaamacadda al-najaax waxa lagu yaqaan macangagnimo kaligii-talis iyo isla wayni tarandac iyo tookh ku dhisan taas oo ay saluugeen qaar badan oo ka mid ah bulshada gobolka tog-dheer ee xidhiidhka la leh Jaamacada. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya si uu awooda u korodhado Guddoomiyaha Jaamacada Dr Faysal inuu keensanayo ku xigeen isaga ka talo qaata oo ay isku jifo yihiin Gudoomiyaha Boodhka C/laahi baashe oo ay isku Xulafo yihiin ninkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahin Samatar. Dad badan oo xogo-gaal u ah arrimaha jaamacaddan ayaa aaminsan in jaamacaddu burburi doonto haddii ay sidan ku sii jirto oo aan la agaasimin maamulka jaamacadda lana xadayn awooddiisa.

 

 

 

 

Diyaariye: Cali Jaamac Dhunkaal Burco-Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip