Maxa Loo Doorta Madaxweyne ? By: Nuur Guruuje
September 23, 2017
Latest Headlines:   _

Maxa Loo Doorta Madaxweyne ? By: Nuur Guruuje

0
Thursday March 09, 2017 - 13:32:03 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa Loo Doorta Madaxweyne ? By: Nuur Guruuje

    Maxa Loo Doorta Madaxweyne ? By: Nuur Guruuje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxa Loo Doorta Madaxweyne ? By: Nuur Guruuje

Marka qaab-dhismeedka dawladaha si farshaxanimo ah loo sawirayo ,dadku wuxuu ku jiraa halka seesku ugu jiro dhismaha , Goleyaashuna halka tiirarku ,Xukuumaduna Ruufka iyo jiingada sarre . Marka guriga seeska iyo kaabadaha rukunada ah lagga adkeeyo ayaana ruufka iyo jiingada la saaraa .


Somaliland waxaad moodaa in ruufka iyo jiingada la isku haysto ,iyadoo seeskii iyo tiirarkii aan loo jeedin .

Madaxwayne Siilaanyo markii la doortay 2010 ,waxay ku beegnayd dhmaanshihii Muddo xileedkii Wakiilada 7 sanno ee Xukuumadiisu talada haysayna Golaha Wakiiladu wuxuu ku fadhiyay muddo kordhin .

Madaxwayne Riyaale wuxuu isna la doortay 2003 oo ku beegan markii ay dhamaatay muddo xileedkii Golaha Guurtida ee lasoo doortay 1997 ,7 sanno ee uu xilka hayayna Golaha Guurtidu wuxuu ku fadhiyay muddo kordhin ,sidoo kale 7 sanno ee Madaxwayne Siilaanyo xilka hayayna Guurtidu sidii ayuun bay u fadhiday .

Imika Golaha Wakiiladu wuxuu fadhiyaa 7 sanno oo muddo kordhina ,guurtiduna waxay fadhidaa 14 sanno oo muddo kordhina .

Maanta Golaha Wakiilada waxa loo kordhiyay 2 sanno ,guurtidana 3 sanno , markaasaa hadana waqtiga doorashadooda laggu beegay Jiilaalka 2019 (28-March 2019).

Markaa suaasha aynu is waydiin karnaa waxay tahay , hadii Goleyaashii Dadka ka Wakiilka ahaa aan laba soo dooranayn,maxaa Madaxwaynaha oo keliya loo doortaa ?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip