Wasiirka Warfaafinta Ee Dhaqanka Ay u Tahay Dagaalka ka Dhanka Ah Shaqaalalaha Wasaradiisa Ee Beesha Madaxwayne Siilaanyo ka Soo jeeda Oo Gudi Cusub U Samaystay.
August 22, 2017
Latest Headlines:   _

Wasiirka Warfaafinta Ee Dhaqanka Ay u Tahay Dagaalka ka Dhanka Ah Shaqaalalaha Wasaradiisa Ee Beesha Madaxwayne Siilaanyo ka Soo jeeda Oo Gudi Cusub U Samaystay.

0
Wednesday March 08, 2017 - 11:59:18 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Ee Dhaqanka Ay u Tahay Dagaalka ka Dhanka Ah Shaqaalalaha Wasaradiisa Ee Beesha Madaxwayne Siilaanyo ka Soo jeeda Oo Gudi Cusub U Samaystay.

    Wasiirka Warfaafinta Ee Dhaqanka Ay u Tahay Dagaalka ka Dhanka Ah Shaqaalalaha Wasaradiisa Ee Beesha Madaxwayne Siilaanyo ka Soo jeeda Oo Gudi Cusub U Samaystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Ee Dhaqanka Ay u Tahay Dagaalka ka Dhanka Ah Shaqaalalaha Wasaradiisa Ee Beesha Madaxwayne Siilaanyo ka Soo jeeda Oo Gudi Cusub U Samaystay.
Tan iyo intii loo soo magacaabay Waasaarada Warfafinta Wasiir Cadaani ayaa waxa isi sii taraysa

Colaada dhaqan u noqotay wasiirka taas oo ah in uu caydhasado shaqaalaha ka soo jeeda Beesha

Madaxwaynahay, hadaan wax ka xuso masuuliyiintii u danbeeyey ee uu shaqada ka caydhiyo waxa ka

mid ah:

1. Agaasimihii Maamulka iyo lacagta ee TV-ga
2. Agaasimihii Farsamada
3. Madixii Wacyigelinta
4. Madixii Qorshaynta ahayd la taliyaha Wasiirka
Kadib markii ay farabadatay hadal haynta dagaalka Wasiirku ku hayo shaqaalaha ka soo jeeda Beesha
Madaxwaynaha la taliyayaashiisa gaarka ahna uu la tashaday ayuu hada bilaabay hab cusub oo uu kula
dagaalamo beeshaas habkaa oo kii hore ka duwan, maadama oo ay noqdeen wuxu eryey, waxuu
awoodooda dhimay, wax uu xaga mushaharka ka maray iyo wax Wasaaradaha Kaleba, ama shaqada
qarankaba uga yaacay,ayaa wasiirku go’aansaday in uu fara ku tiriska ku hadhay ka safeeyo
Wasaaradiisa , hadaan balbalaadhiyo strategyadan cusub wuxu soo saaray 14 kii bishi 2aad ee
sanadkana aan ku jirno waraaq uu ku soo magacaabay guddi anshax oo aanay ku jirin beeshaasi, sidoo
kalena uu ka reebay waaxda Farsamada, maadaama oo Agaasimaha Farsamada iyo Ku xigeenkuba ay ka
soo jeedaan beesha Wasiirku dagaalka ku hayo.
Waxaa xusid mudan in shaqadii ugu horaysay ee gudida Cadaani qabatay ay tahay in ay u yeedho laba
shaqaale ah oo beeshaas ka soo jeeda iyaga oo ku eedeeyey in aanay shaqo qaban, waxa dhamaan
shaqaalaha wasaaradu is waydiinayaan maxay garxejiska u qaban wayday gudidan ansha ee ay beel kali
ah uun diirada ugu haysaa.
Sida caadiga ah gudida anshuxu waxay ka koobnaan jireen dhamaan waaxa Wasaaradu ka koobantahay
isla markaana laga wada dhex arki jiray dhamaan beelaha dega jamhuuriyada somalalind. Balse colaada,
cuqdada iyo maangaabnimada wasiir Cadaani ay tustay in uu beesha u samaysto gudidaas beeshiisa u
badan.
Ugu danbayn waxaan idiin soo bandhigayaa Gudi Cadaanida Anshaxa ee Wasaarada Warfafinta


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip