Car Waa Maantaba Ninkii Ay Ceebtu Raacdaa.Sii Akhri
July 23, 2017
Latest Headlines:   _

Car Waa Maantaba Ninkii Ay Ceebtu Raacdaa.Sii Akhri

0
Thursday October 27, 2016 - 14:18:51 in by Web Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Car Waa Maantaba Ninkii Ay Ceebtu Raacdaa.Sii Akhri

    Springfield,Missouri:(BNA) Aad Baan Ugu Hanbalyaynayaa Xukuumadu Go'aanka Ay Qaadatay Ee Ah Inay Dhamaystirto Ciyaarihii Gobolada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Springfield,Missouri:(BNA) Aad Baan Ugu Hanbalyaynayaa Xukuumadu Go'aanka Ay Qaadatay Ee Ah Inay Dhamaystirto Ciyaarihii Gobolada
Ee U Danbeeyay Ku Waas Oo Lagu Qabtay Gobolka Awdal Hase Ahaatee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Sportigu Joojisay Warkii Buuq Baahsani Dhacay...Mana Aha Markii u Horaysay Ee Loojoojiyo Ciyaaraha Gobolada Buuq Macnodaro Ah Oo Noocan Oo Kale Ah.
Hadaba Waa Arin Ceeb Ku Ah Xukuumada Inay maareen Kariwaydo Arinkan Oo Kale.Waa Wax Maalinkasta Kadhaca Caalamka,Xakiisuna Waa In Dadka Qaska Ka Danbeeyana Sharciga Lahorkeenaa,Kooxdii Qaskaa Abuurtayna Laganaaxaa Islamarkaana Ciyaarahooda Laqabtaa Iyagoo Aan Garoonka Cidi Joogin...
Shacabka Waxaa Ku Ceeb Ah Inay Meel Kagadhacaan Shaqaftooda Iyo Ilbaxnimadooda Iyagoo Ku Kacaya Ficilo Aan Waafaqsanayn Dhaqanka Iyo Xeerka Umadeena Sharafta Leh.
Maalinta Ciyaaraha Wasaaradu Joojiso Ayay Bilaabaan Inay Isqoomameeyaan Kooxihii Ka danbeeyey,Inta Badana Iyagaa Dalbada In Ciyaarihii Dib Loosooceliyo Oo Loodhamaystiro.
Ugu Danbayn Waxaa Meel Lagaga Dhacaan Xuquuqda Kooxaha Gobolada Kale Ee Somaliland Ka Soojeeda Oo Iyagu Aan Waxba Galabsan Sida Ku Dhacday Shaqaaqadii U Danbaysay Xulalka Gobolada Xaysimo Oo Aan Anigu Taageero Iyo Saaxil Oo Ah Koox Muujisa Ciyaar Wanaag Dad Iyo Jeerba.
Ugu Danbay Waxaan U soo Jeejinayaa Wasaarada Inaanay Ciyaaraha Joojin Ee Ay Maarayso Una Raacdo Qaabka Caalamku U Wajaho Arimahan Oo Kale.
Kooxaha Iyo Taageerayaashooda Iyana Waxaan U Soojeedinayaa Inay Ogaadaan In Waxani Tahay Ciyaaro Loogu Talogalay Isbarasho Iyo isdhexgal Iyo In Wasaarada Iyo Gobolkuba Soosaaraan Ciyaartoy Heer Caalami Ah,Waxaan Shaki Ku Jirin In Hadii Ay Soobaxaan War Lamida Messi Inay aduunka Uciyaaridoonaan Oo Ay Shaqo Ka helidoonaan,Duniduna Way Daawanaysaa,Sida Schoolada Dalku U Helaan Deeqaha Waxbarasho Ayay Ciyaartoogeenuna U Helikaraan Iyagoo Aan Tahriibin...
Somaliland Allaw Dhawr.
Diyaariye:Saciidjamaal
Tafatiraha Guud Ee Shabakada Batalaalenews.com
Springfield,Missouri,USA


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip