Wasiir Cadaani Oo Ku Khasbaya Shaqaalihiisu Inay Beeniyaan Barnaamijkii Siciidjamaal.
June 26, 2017
Latest Headlines:   _

Wasiir Cadaani Oo Ku Khasbaya Shaqaalihiisu Inay Beeniyaan Barnaamijkii Siciidjamaal.

0
Wednesday October 26, 2016 - 22:55:50 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cadaani Oo Ku Khasbaya Shaqaalihiisu Inay Beeniyaan Barnaamijkii Siciidjamaal.

    Hargaysa:(BNA)Waxaa sidaan la socono warbixin dheer oo ku saabsan habdhaqanka,Musuqmaasuqa,eexda iyo qabyaalada wasiirka warfaafinta oo uu ka diyaariyay agaasimaha SLNTV

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:(BNA)Waxaa sidaan la socono warbixin dheer oo ku saabsan habdhaqanka,Musuqmaasuqa,eexda iyo qabyaalada wasiirka warfaafinta oo uu ka diyaariyay agaasimaha SLNTV ee waqooyiga Maraykanka(Maraykan Iyo Canada) isagoo soo bandhigay xogo faahfaahsan oo iftiiminaya sida uu wasiir cadaani ugu fashilmay habsami u hagida wasaaradan miisaanka wayn isagoo shaqaalihii u kalaqaybiyay qaab qabiilaysan isla markaana kuwo badan shaqada uga eryay keliya reerka ay yihiin oo aanu jeclayn ama khaladaadkiisa ayay usheegeen taas oo aanu jeclayn maadaama uu yahay shakhsi islawayn.
Wuxuu ku hayaa shaqaalaha wasaarada canaan iyo cagojuglayn joogta ah isagoo dhanka kale aan fulin go'aan kasta oo ay la gaadhaan qaybaha wasaaradu.

Hadaba wasiir cadaani oo aad uga naxay warbixintaa dheer ee xaqaa'iqa daaha ka rogtay markii ugu horaysay ayuu bilaabay dhawrkii maalmood ee tegay inuu ku amro shaqaalihiisa gaar ahaan madaxda waaxyaha ay wasaaradiisu ka koobantahay inay qabtaan shir jaraa'id oo ay ku beeninayaan xogtii warbixintaasi soo bandhigtay.
Sida aan wararka ku helayno wuxuu Cadaani kala kulmay madaxdaa diidmo cad,hase ahaatee wuxuu isku dayay inuu ku dayo hanjabaad uu ugu hanjabayo shaqaalaha in hadii ay sidaa yeeli waayaan uu u qaadanayo inay warbixintaa taageersanyihiin.

Sida caadada ah waxaa meelkasta laga helaa dad aan damiir lahayn oo dhaafsada xaqiiqada waxoodaa shilimaad ah sidaa daraadeed ayuu ilaa hada Cadaani helay xayn yar oo madaxa u ruxday codsigiisa si kasta ha ahaato sababtuyo,laakiin tiradaasi wuxuu u arkay mid aan ku filayn in la horkeeno camaradaha warbaahinta,sidaa daraadeedna wuxuu weli Cadaani xusul duub ugu jiraa sidii uu ku helilahaa tiro intaa kabadan oo uu shirkeeno.

Batalaalenews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip