Waxyaabaha Muhiimka Ah Ee Laga Eego Ama Lagu Xusho Marka La Iibsanayo Computerka.(Qaybta 1aad)
May 26, 2017
Latest Headlines:   _

Waxyaabaha Muhiimka Ah Ee Laga Eego Ama Lagu Xusho Marka La Iibsanayo Computerka.(Qaybta 1aad)

0
Sunday May 17, 2015 - 22:11:21 in by Web Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyaabaha Muhiimka Ah Ee Laga Eego Ama Lagu Xusho Marka La Iibsanayo Computerka.(Qaybta 1aad)

    Minneapolis:(BNA)Waxyaabaha muhiimka ah ee laga eego marka aad doonayso inaad iibsato Computer noocuudoona ha ahaadee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minneapolis:(BNA)Waxyaabaha muhiimka ah ee laga eego marka aad doonayso inaad iibsato Computer noocuudoona ha ahaadee.

Ugu horayn inta aanad iibsan Computer waxaa muhiim ah inaad ogtahay ujeedada iyo howsha aad u adeegsandoontid Computerka.waxaanad iswaydiisaa mawaxaad u adeegsanaysaa inaad qoraalada caadiga ah ku qorto,mise waxaad ku agaasimaysaa sawiro iyo Video mise inaad ku kaydsato casharada waxbarashada,ma waxaad rabtaa Computer fudud oo aad safar lagasho mise mid aad guriga uun ku isticmaasho iwm.

Ujeejada iyohowsha aad rabto inaad u adeegsato ayaad ku salayn doontaa tayada iyo qiimaha aad ka bixindoontid computerka.

Mar hadii aan ujeedada isla meeldhignay,waxaan qoraalkan ku eegidoonaa waxyaabaha muhiimka ah ee lagu xusho marka la iibsanayo computerka,taas oo aad ku ogaan kartid tayada computerka,waxaana ka mid ah:

PROCESSOR(CPU)

O 3 GHz Intel Core i7 CPU (Processor) Ama Ka casrisan  (SAWIR GELI INTEL)

 Processor ama CPU oo loo soogaabiyay (Central Processing Unit) oo macnaheedu yahay maskaxda computerka,waa meesha  kala hagta dhamaan amarada uu computerku ku fulinayo hawlaha kala duwan.Sidaa darted Processorku wuxuu ka midyahay qaybaha ugu muhiimsan ee computerka,waana inaad iska hubiso xawaaraha Processorka oo lagu qiyaaso halbeega (GHz).Tusaale ahaan 1,6 GHz waxa ka sareeya 2 GHz iyo 3 GHz.

Shirkadaha ugu caansan ee sameeya Processorka waxaa ka mid ah Inter iyo AMD.noocyadii ugu danbeeyey ee Intel waxaa ka mid ah: Intel Core i3,Core i5,Core i7 oo sida ay u kala lambar waynyihiin u kala qaalisan.Noocyadii hore ee Processorka waxaa ka mid ah Pentium,Celeron,Atom iyo weliba Xeon.

Hadii la isku kaa barbar dhigo labadan computer oo leh processor kala ah:

o 1.6  GHz Intel Core i5 CPU iyo o 3.5 GHz Intel Core i7 CPU iibso ka danbe,waayo isagaa ka xawaare badan ka hore sida uu amarka u qaadanayo ama u fulinayo.

La soc Qaybta 2aad Iyo HARD DRIVE-ka iyo todobaadka danbe.

Xuquuqda qorista iyo diyaarinta qormadan:

Saciidjamaal…Tafatiraha Guud Ee Batalaalenews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip